GLOBAL NEWS

Jub­ba­land : Wasi­irada oo lagu sameeyey isku shaand­heyn kooban


Madaxwey­naha maa­mulka Jub­ba­land Axmed Max­amed Is­laam ayaa isku Shaand­heyn ku sameeyay qaar ka mid ah go­lahi­isa wasi­irada, wax­aana qaarkood look ala wa­ree­jiyay xi­lalka ay kala hay­een wasi­irada.

Isku shaand­heynta ayaa lagu sameeyay wasaaradaha kala ah wasaaradda gaadi­idka iyo war­faafinta, mac­danta iyo biyaha, maaliyadda.

Max­amed Aw Yu­usuf, waxaa loo wa­ree­jiyay wasaaradda Mac­danta iyo biyaha, wax­aana uu ahaa wasi­irkii Maaliyadda.

Cab­d­in­uur Cali Aadan waxa uu ahaa wasi­irkii Mac­danta iyo Biyaha Jub­ba­land, wax­aana loo be­dalay wasaaradda gaadi­idka iyo war­faafinta.

Wasi­irkii War­faafinta Ibraahim Baa­juun waxaa isna loo be­dalay wasi­irka maaliyadda Jub­ba­land.

Waa markii ugu horeysay oo isku shaand­heyn sidaan oo kale ah lagu sameeyo go­laha wasi­irada Jub­ba­land tan iyo markii la ma­g­a­caabay go­la­haasi