GLOBAL NEWS

JEN. TUUR-YARE: War­baahinta Madaxa-ba­naan Waa in Al-shabaab ay ugu Yeer­taa Ma­g­aca UGUS


 

[show_a­vatar email=11 align=left user_link=last_­post show_­name=true avatar_­size=74]

Taliyaha Sir­doonka iyo Nabad-sug­idda Soomaaliya, Jen. C/​rax­maan Max­amed Tuur-yare ayaa war­baahinta madaxa-ba­naan ugu baaqay inay wixii maanta ka dambeeya Al-shabaab ugu yeer­aan UGUS, kaas oo uu shee­gay inay dhawaan dhaqan-ge­lisay war­baahinta dowladda, kaddib markii ay soo saa­reen war ay ku baahiy­een in be­deleen ma­g­a­cii Al-shabaab ay be­deleen.

Jen. Tuur-yare ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu xusayay maalinta xorriyadda Warbaahinta Caalamka ee 03-da May oo lagu qabtay Hoteelka Al-jaziira ee Muqdisho. “Waxaa doonayaa inaan halkaan uga codsado maanta warbaahinta gaarka loo leeyahay in magaca Al-shabaab aan bedelnay, waxaana ku bedelnay UGUS, iyaga ayaana isku bixiyay, magaca Al-shabaab waa magac aad u fiican waa dhallinyaro, ma ahan inaan u ogolaanno magacaas inay xumeeyaan,” ayuu yiri taliyaha Nabad-sugidda Qaranka.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu xusay in­aanay hab­booneyn inay ka maqlaan ma­g­aca Al-shabaab idaa­cadaha kale, is­a­goo uga ma­had-celiyay war­baahinta dowladda sida ay ma­g­a­caas u hir-geliy­een. “Cadawga aan la da­gaalameyno waa UGUS oo mac­ni­hi­isu uu no­qon­ayo Ururka Gu­maadka Um­madda Soomaaliy­eed, War­baahinta dowladda way dhaqan-ge­lisay, kuwa kalena waa in ay la mid no­q­daan oo ay UGUS ugu yeer­aan, Waayo ma ahan in­aan War­baahinta kale ka maqalno ma­g­aca Al-shabaab,” ayuu hadalki­isa ku daray Jen. Tuur-yare.

Wuxuu taliyuhu in­taas ku daray inay doon­ayaan in Um­madda la Fa­ham­si­iyo waxay tahay Al-shabaab, maadaama uu ma­g­a­caan ugu baxay di­lalka ay sida gaad­mada ah mar walba ula beegsadaan sha­cabka Soomaaliy­eed. Taliyaha Nabad-sug­idda iyo Sir-doonka So­ma­lia kuma shee­gin hadalki­isa inay Tal­laabo ka qaa­dayaan Idaa­cad­dii ugu yeeri wayda Al-shabaab ma­g­aca ay u bixiy­een ee UGUS, iyadoo hadalki­isa uu u muuq­day mid talo ah.

Ugu dambeyn, idaa­cadda ay dowladda Soomaaliya maa­musho ayaa dhawaan hir-ge­lisay ma­g­aca cusub ee hay’adda sir­doonku ay soo jeed­isay in loogu yeero Al-shabaab, wax­aana isla ma­g­a­caas uu ku­soo baxay war-mur­tiy­eed­kii sha­lay laga soo saaray shirkii Ga­roowe.