GLOBAL NEWS

Jawaari oo shee­gay inuu maanta fur­mayo Shirka looga xaa­joon­ayo Mooshinka Madaxwey­naha


Gud­doomiyaha Baar­la­maanka So­ma­lia, Max­amed Sh. Cus­maan Jawaari ayaa shaaciyay in Sabtida maanta ah uu fur­mayo ku­lanka looga had­layo mooshinkii laga keenay Madaxwey­naha So­ma­lia bishii Ogoosto ee san­nad­kan.

Jawaari ayaa in­taas ku daray in shirku uu fur­mayo 11:00-ka bar­qan­imo, ayna ka­soo qayb-geli doon­aan madaxda dalka iyo xild­hibaan­nada cabashada qaba, si xal looga gaaro mooshinka.

“Wax­aan ku war-geli­nayaa dham­maan xild­hibaan­nada ah saxi­ixay mooshinkii la soo gud­biyay 12-kii Au­gust, 2015-ka, loosoo gud­biyay gud­doonka baar­la­maanka inay ka­soo qayb-galaan wada­hadalka oo ka bil­laa­ban doona xarunta gud­doonka iyo gud­diyada go­laha sha­cabka ee Villa Hargeysa,” ayuu yiri Jawaari.

Balse, xild­hibaan­nadii mooshinka ka keenay madaxwey­naha ayaa iyagu mar kale di­i­day inay ka qayb-galaan ku­lankan oo ho­ray u baaq­day, iyadoo baaqashadi­isa lagu shee­gay RW So­ma­lia oo dalka ka maqan.

Mooshinka ka dhanka ah madaxwey­naha So­ma­lia ayaa buuq badan dhex-dhi­gay inta badan hay’adaha dowladda So­ma­lia, iyadoo xild­hibaan­nada mooshinka keenay ay ku ad­keysanayaan in xilka laga qaado madaxwey­naha So­ma­lia.