GLOBAL NEWS

Golaha Wasiirrada Somalia oo Maanta Ansixiyay Sharciga Naafada Qaranka


Golaha wasiirada Somalia ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho kaga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen siyaasada dowladda Somalia ee naafada Qaranka, qorshaha horumarinta dalxiiska dalka oo ay soo gudbisay wasaaradda warfaafinta iyo dalxiiska iyo qodobo kale.

Kulanka ayaa ugu horreyn waxaa looga dooday qaab-siyaasadeedka naafada Qaranka, waxaana sharraxay wasiirka shaqada iyo shaqaalaha, C/wali Ibraahim Muudeey, isagoo xusay in qorshahan ay ku hawlaneyd wasaaradda in muddo ah, ayna la kaashadeen dad khubaro ah, si loo helo siyaasad dhameystiran oo ku aaddan naafada Qaranka.

“Qorshahan waxaan ugu talo-galnay inaan ku illaalino xaquuqda dadka naafada ah, isla markaana loogu helo daryeelkooda, waana qorshe ay wasaaraddu si gaar ah isaga xil saartay diyaarintiisa,” ayuu yiri wasiirka shaqada.

Sidoo kale, golaha wasiirrada ayaa cod-buuxa ku ansixiyay qorshahan, waxaana RW ku-xigeenka, Max’ed Cumar Carte oo shirka guddoominayay uu ku adkeeyay mas’uuliyiinta wasaaradda shaqada inay ka shaqeeyaan sidii dadka naafada ah ay u heli lahaayeen xaquuq dhameystiran oo la mid ah midda dadka caadiga ah, sidoo kalena ay naafadu helaan fursadaha shaqo ee hay’adaha kala duwan ee dowladda Somalia iyo weliba shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay.

Ugu dambeyn, wasiirka warfaafinta, Max’ed Cabdi Xayir ayaa golaha wasiirada sharaxaad dheer ka siiyay maalinta dalxiiska caalamka oo ku beegnayd 27-kii Sep, 2015-ka, wuxuuna xusay in loo baahan yahay in la horumariyo siyaasadda dalxiiska ee dowladda, maadaama ay dowladdaha caalamku ku xiran yihiin dhaqaalahooda dalxiiska.