GLOBAL NEWS

Go­laha Wasi­ir­rada So­ma­lia oo Maanta An­sixiyay Shar­ciga Naafada Qaranka


Go­laha wasi­irada So­ma­lia ayaa maanta ku­lan ay ku yeesheen Muqdisho kaga had­lay qodobo ay ka mid ahaay­een siyaasada dowladda So­ma­lia ee naafada Qaranka, qor­shaha ho­ru­mar­inta dalxi­iska dalka oo ay soo gud­bisay wasaaradda war­faafinta iyo dalxi­iska iyo qodobo kale.

Ku­lanka ayaa ugu hor­reyn waxaa looga doo­day qaab-siyaasadeedka naafada Qaranka, wax­aana shar­raxay wasi­irka shaqada iyo shaqaalaha, C/​wali Ibraahim Muudeey, is­a­goo xusay in qor­sha­han ay ku hawlaneyd wasaaradda in muddo ah, ayna la kaashadeen dad khubaro ah, si loo helo siyaasad dhamey­sti­ran oo ku aad­dan naafada Qaranka.

“Qor­sha­han wax­aan ugu talo-gal­nay in­aan ku il­laalino xaqu­uqda dadka naafada ah, isla markaana loogu helo dary­eelkooda, waana qor­she ay wasaaraddu si gaar ah is­aga xil saar­tay diyaar­in­ti­isa,” ayuu yiri wasi­irka shaqada.

Sidoo kale, go­laha wasi­ir­rada ayaa cod-bu­uxa ku an­sixiyay qor­sha­han, wax­aana RW ku-xigeenka, Max’ed Cumar Carte oo shirka gud­doom­i­nayay uu ku ad­keeyay mas’u­uliyi­inta wasaaradda shaqada inay ka shaqeeyaan sidii dadka naafada ah ay u heli la­haay­een xaquuq dhamey­sti­ran oo la mid ah midda dadka caadiga ah, sidoo kalena ay naafadu helaan fur­sadaha shaqo ee hay’adaha kala duwan ee dowladda So­ma­lia iyo weliba shirkadaha sida gaarka ah loo leeya­hay.

Ugu dambeyn, wasi­irka war­faafinta, Max’ed Cabdi Xayir ayaa go­laha wasi­irada sharax­aad dheer ka si­iyay maal­inta dalxi­iska caalamka oo ku beeg­nayd 27-kii Sep, 2015-ka, wux­u­una xusay in loo baa­han ya­hay in la ho­ru­mariyo siyaasadda dalxi­iska ee dowladda, maadaama ay dowlad­daha caalamku ku xi­ran yi­hiin dhaqaala­hooda dalxi­iska.