GLOBAL NEWS

Go­laha Wasi­irada DFS oo An­sixiyay in Max­amed Daahir Afrax lagu be­delo Booskii Caasho Geelle


Go­laha Wasi­ir­rada Xuku­umadda So­ma­lia ayaa maanta ku­lan ay ku yeesheen Muqdisho ku An­sixiyay Xu­bin ka mid no­qon­aya Gud­diga Madaxa-ban­naan ee dib u eegista das­tu­urka dalka, iyadoo ku­lanka looga had­lay ar­rimaha Am­niga iyo dhibaa­tooyin ka jira dhul-xee­baadka Muqdisho.

Ugu hor­reyn, shirka ayaa lagu an­sixiyay soo jeed­inta Wasi­irka Das­tu­urka So­ma­lia ee ah in Max­amed Daahir Afrax oo ah aqoonya­han si weyn looga yaqaano Soomaaliya uu ka mid no­qdo bu­uxiyana xu­bin ka dhin­neyd Gudigga Madaxa-ba­naan ee das­tu­urka, booskan oo ay dhawaan ba­naysay Caasho Geelle oo ho­ray u ahayd gud­doomiyaha gud­di­gan dib u eegista das­tu­urka dalka.

In­taa kaddib Wasi­irka Dekedaha iyo Gadi­idka Badda So­ma­lia ayaa Go­laha uga war­bixiyay dhibaa­tooyin sii ko­rd­haya oo ka jira xee­baha Muqdisho, is­a­goo yiri. “Waxaa jira in dadka ku howlan dhis­mayaasha ay caa­daysteen in car­rada iyo dha­gax­aaanta jayga ah ka gur­taan xeebta, taa­soo keeni karta in Baddu ay ku­soo du­rugto Ma­g­a­al­ada; madaama car­radii celin la­hayd lagu hayo xaaluf ba’an, Wasaaraddu waxay wad­day baar­i­taankaan in muddo ah, waxaa kaloo aan soo ogaanay in Qashin faro badan lagu shubo badda oo ay ka mid yi­hiin dhi­igga Xoolaha, Bu­laa­cadaha iyo Qashinka laga qaado ma­g­a­al­ada, kuwaa­soo keeni karo caafi­maad darro baa­hasan.”

Sidoo kale, Wasiir ku Xigeenka Di­faaca So­ma­lia ayaa Go­laha uga War­bixiyay Gu­uli­hii ay Ci­idamada dowladda So­ma­lia ka­soo hooy­een Dee­gaanno hoos-taga Gob­olka Shabeel­lada Hoose. Wasi­irka ayaa shee­gay in Ci­idamada Dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen dee­gaanka Toora-toorow, halka­a­soo ahayd mee­laha ay ka­soo abaab­uli jir­tay Al-shabaab Weer­aradda ay ku­soo Qaadaan Goobaha ay Ci­idamadu ka joogaan Gob­olkaas, Sidoo kale wasi­irka ayaa war­bixin kooban ka si­iyay Go­laha halka uu marayo isku-dhafka ci­idamada oo Wasaaradda Gaashaand­higgu hor­muudka ka tahay.

Ugu dambeyn, RW Soomaaliya Cumar C/​rashiid oo Shirka Gud­doom­i­nayay ayaa Guddi ka kooban 10 Wasiir u Xil-saaray dhageysiga Dadka Qaba Tabashooyinka ku aad­dan Baar-lamaanka cusub ee Jub­ba­land, waxaa sidoo kale gud­digu Wada-hadal Ar­rin­tan ku saab­san la fu­rayaan Maa­mulka Jub­ba­land.