GLOBAL NEWS

Ganac­sa­tada Jub­ba­land oo Baaq u Di­ray Qurbo-joogta Ka­soo jeeda Gob­ol­lada Jub­booyinka


Gu­doomiyaha rugta ganac­siga iyo war­shadaha Jub­ba­land (JCCI) Shaafi Raabi Kaahin oo wa­reeysi gaar ah si­iyay shabakadda HOL ayaa ugu baaqay ganac­sa­tada iyo qur­ba­joogta u dha­latay dee­gaanada Ju­booyinka in ay maal­gash­taan dhulkooda.

Gu­doomiyaha oo aan ka wa­reeysan­nay ganac­siga ma­g­a­al­ada Kismaayo ayaa shee­gay in is­badal weyn uu ku yimid ganac­siga ma­g­a­al­ada, islmarkaana ay imika si wanaagsan u soc­daan howlaha ganac­siga ee gob­olka.

“Ganac­siga ma­g­a­al­ada Kismaayo si dar­dar leh ayuu ku soc­daa, wax­aadna ogti­hiin in ma­g­a­al­ada ay hadda ku­soo xir­taan Maraakiib ganacsi oo waaweyn oo keena Kon­teen­narro, wax­ayna ar­in­taasi fududeeysay howli­hii ganacsi ee gob­olka,” ayuu gu­doomiyuhu hadalki­isii raaciyay.

Shix­nadaha kala duwan ee ka­soo dega dekedda ma­g­a­al­ada Kismaayo ayaa waxaa loo iibgeeyaa qaar kamid ah gob­ol­lada koon­fureed ee dalka Soomaaliya iyo weliba gob­olka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Gud­doomiyaha oo aan wey­di­inay waxyaalaha ay rugta ganac­siga iyo war­shadaha Jub­ba­land ku­soo ko­rd­hisay gob­ol­lada Ju­booyinka ayaa waxa uu yiri,” sida aad la so­coto ma­g­a­al­ada Kismaayo waxaa hore looga yaqaan­nay wax la yi­raahdo “Ku­usi” oo ah xil­liyada badxi­ranka oo ay is­taagi jireen doom­aha ganacsi ee yi­maada Kismaayo, imika waa laga baxay Ku­usi oo ma dhici doonto in uu ganac­sigii badda is­taago, waayo wax­aan hes­hi­isyo la gal­nay shirkado waaweyn oo xilli walba shix­nadaha ganacsi keeni kara Kismaayo,” ayuu gu­doomiyaha hadalki­isii raaciyay.

Gu­doomiyaha ayaa ugu baaqay dadka qur­ba­joogta ah ee u dhashay dee­gaanada Jub­ba­land in ay maal­gash­taan dhulkooda, is­a­goo shee­gay in wadanku uu galay marx­alad ka badalan tii hore oo hadda dadka Soomaaliy­eed ay doon­ayaan nabad iyo dowlad­nimo, taasina ay fur­sad u tahay cid walba oo wax heeysata in ay ka faa’i­ideeysato, bul­shadana uga faa’i­ideeyso.

Guud ahaan ganac­siga deg­mada Kismaayo ayaa ku­socda si dar­dar leh iyadoo ay ma­g­a­aladu ku­soo badanayaan shirkadaha ganacsi, sida kuwa Kallu­umeeysiga, wax­soo saarka dalka iyo shi­rakado kale oo iya­guna ku howlan wax­soo saar kala duwan.