GLOBAL NEWS

Fu­ri­taankii Kal-fad­higii Tod­dobaad ee Baar­la­maanka Fed­er­aalka So­ma­lia oo dib loo dhi­gay


Gud­doomiyaha Baar­la­maanka Soomaaliya, Max­amed Sh. Cus­maan [Jawaari] ayaa shee­gay in dib loo dhi­gay fu­ri­taanka kal-fad­higa tod­dobaad ee baar­la­maanka So­ma­lia oo markii hore loo as­teeyay inuu furmo 21-ka Ok­too­bar, 2015-ka.

Dham­maan xild­hibaan­nada baar­la­maanka waxaa la ogeysi­inayaa in fu­ri­taanka kal-fad­higa todobaad ee baar­la­maanka oo la qor­sheeyay 21-ka bis­han dib loo dhi­gay il­laa 25-ka bis­han Ok­too­bar 2015, si loo dham­mey­stiro howlaha la xiri­ira diyaar­inta ajan­dayaasha kal-fad­higa cusub,” ayuu yiri gud­doomiyaha baar­la­maanka.

Sidoo kale, wuxuu hadalki­isa ku daray. “Waxaa laga cod­sanayaa dham­maan xild­hibaanada inay dalka ku­soolaab­taan, diyaarna u no­q­daan ka qayb-galka fu­ri­taanka kal-fad­higa 7-aad ee baar­la­maanka, sidoo kale gud­diga joog­tada ah iya­guna waa inay ugu dambeyn dalka soo galaan 23-ka Ok­too­bar 2015-ka.”

Ugu dambeyn, baar­la­maanka hadda jira ayaa waxaa how­shi­isa ka harsan laba kal-fadhi oo kala ah kan tod­dobaad iyo sideedaad; iyadoo howlo badan ay hor-yaalaan tan iyo san­nadka soo socda ee 2016-ka