GLOBAL NEWS

Feeryahankii ugu Caansanaa Adduunka Maxamed Cali Kalaay oo ku geeriyooday dalka Mareykanka


Feeryahankii ugu Cansanaa Caalamka oo dhan, Maxamed Cali Kalaay ayaa xalay ku Geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Phoenix ee Gobolka Arizona ee dalka Mareykanka.

Maxamed Kalaay, ayaa Khamiistii lasoo dhaafay la dhigay Isbitaalka uu ku dhintay, isagoo xanuun ka haleelay dhinaca neefsashada, isagoo muddo 30-sano ah qabay cudurka jareyska ama Lalleemada.

Sidoo kale, Maxamed Kalaay ayaa Wuxuu ku dhashay Magaalada Louisville ee Gobolka Kentucy sannadkii 1942, Wuxuuna Diinta Islaamka qaatay Sannadkii 1964-tii. Iyadoo ay da’diisu ahayd 74-jir.

Feeryahankan Muslimka ah ayaa wuxuu saddex jeer ku guuleystay Abaal-marinada Feerka Culus ee Caalamka, isagoo Abaal-marintii ugu Horreysay la Siiyay Sannadkii 1964-kii oo ahayd markii uu Islaamka qaatay.

Ugu dambeyn, Allaha u raxmadee Maxamed Cali Kalaay ayaa wuxuu ka mid ahaa cayaar-yahannada Caalamka ugu Caansan ee Muslimiinta ah, Wuxuuna Dhawr jeer ku guuleystay Feer Caalami ah.