GLOBAL NEWS

Fa­ta­haada Wabiga Sha­belle ee dee­gaano ka tir­san Sh/​Dhexe


Waxaa sii ko­rd­heysa cab­sida laga qabo in Wabiga Sha­belle uu ku fa­taho dee­gaano ka tir­san ma­g­a­al­ada Jowhar, iyadoo labadii maal­mood ee la soo dhaafay uu wabiga ku fa­ta­hay Tu­u­looyin dhowr ah, halka­a­soo dad­kii de­ge­naa ay ka barakaceen.

Tu­u­lada Dudu­ble oo hoos tagta deg­mada Ma­hadaay ayaa saameysay fa­ta­haada, iyadoo biyo badan ay gu­daha ugu galeen, isla markaana guryo badan uu baabi’iyay.

In ka badan 200 qoys ayaa ka baraka­cay fa­ta­haada tu­u­ladaas, kuwaa­soo haatan sald­hig­tay meel ba­naan ah oo ku dhow tu­u­ladooda, wax­aana dad­kan ay ka sameysteen aqalo cooshado ah, kuwaa­soo aanay dhax­anta iyo roobka celin karin.

Sidoo kale Tu­u­looyinka qaar ayaa waxaa ka jira fee­jig­naanta fa­ta­haada wabiga, kadib markii uu wabiga uu si aad ah u biyo keenay, wax­aana dhi­naca kale socda dadaalo uu wado Maa­mulka Gob­olka Shabeel­laha Dhexe.

Dhi­naca kale xaafado ka tir­san ma­g­a­al­ada Jowhar ayaa looga cabsi qabaa in kor-shubka wabiga ama si­imow uu galo, wax­aana so­conaya cara-tuur lagu samey­nayo ha­reer­aha wabiga.