GLOBAL NEWS

FAAH­FAAHIN: Wasi­irka Arimaha Dibadda dalka Qatar oo Ku­lammo la yee­shay Madaxda So­ma­lia


Madaxwey­naha Soomaaliya, Xasan Sh. Max­a­m­uud oo ay wehli­nay­een Ra’i­isul Wasaare, Cumar C/​rashiid Cali Shar­ma’arke iyo Wasi­irka Ar­rimaha Dibadda, Cab­dis­alaan Cumar Hadliye ayaa maanta ku Qaa­bi­lay Madax­tooy­ada Wasi­irka Ar­rimaha Dibadda dalka Qatar, Khalid bin Mo­hammed Al At­tiyah oo booqasho ku yimid Muqdisho .

Ku­lanka oo ahaa mid ay Al­baabada u Xi­ran yi­hiin ayaa waxay ku­lan kale ay Wadiga Qatar la qaa­teen xubno ka tir­san go­laha wasi­ir­rada xuku­umadda Soomaaliya, kaa­soo ay ka qayb-galeen Wasi­ir­rada Ar­rimaha Dibadda, Maaliyadda, Waxbarashada, Gaadi­idka iyo Du­ulista Hawada, Am­niga Gu­daha xubno ka tir­san wasiir ku xigeen­nada iyo Wasiir u dowlayaasha So­ma­lia, Taliyaha Sir­doonka, Gu­doomiyaha Gob­olka Ba­naadir iyo mas’u­uliyiin kale.

Shir Jaraa’id oo si Wada­jir ah ay u Qab­teen Wasi­irada Ar­rimaha Dibadda So­ma­lia iyo kan Qatar Ku­lam­mada kaddib ayaa waxay ku sheegeen inay kawada hadleen Xoo­jinta Xiri­irka labada dal iyo iskaashiga ka dhex­eeya.

Wasi­irka Ar­rimaha Dibadda Dalka Qatar ayaa shee­gay in Dalki­isu uu Garab-taa­gan ya­hay So­ma­lia, kana qayb-qaadan doono dib u dhiska, mashaari­icda ho­ru­mar­inta iyo soo-celinta ade­e­gyada caafi­maadka iyo kaabashaayasha dhaqaalaha dalka.

Dhi­naca kale, Wasi­irka Ar­rimaha Dibadda Soomaaliya ayaa isna xusay in dhig­gi­isa Qatar ay kala hadleen iskaashi dhi­na­cyo badan oo labada dowladood ay yee­shaan, xaal­adaha am­maan darro ee Yemen, gaar ahaan taageerida iyo bad­baad­inta dadka Soomaaliy­eed ee ku xayi­ran Yemen.

Hadliye ayaa xusay in Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay ka mideysan yi­hiin Mowqifka taageeridda dowladda shar­ciga ah ee Yemen, ayna ra­jey­nayaan in nabadda dalkaas ay dib u soo laa­bato.

Wafdiga uu Hog­gaainayo Wasi­irka Ar­rimaha Dibadda ee Qatar ayaa Waxay booqasho ku tageen dhul dowladda Hoose ee Xa­mar ay ugu dee­q­day Qatar, kaa­soo ay ka Dhisanayaan safaarad cusub.

Ugu dambeyn, Wasaarada ar­rimaha dibadda So­ma­lia ayaa uga ma­had-celisay waa­jibaadka Qaran­imo ee ay guteen ci­idamada am­niga oo sug­ayay amaanka Wafdiga Dowladda Qatar ka soc­day ee maanta soo booqashada ku yimid Muqdisho, Taa­soo Muu­jineysa koboca iyo dhis­maha awoodda ci­idamada Qaranka .

Booqashadan ayaa ahayd mid­dii sad­dex­aad oo Wasi­irka Ar­rimaha Dibadda ee Dalka Qatar uu ku yi­maado caasi­madda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo Wafdiga ay isla maanta Dib ugu laab­teen Dalkooda.