GLOBAL NEWS

FAAH­FAAHIN: Qaraxii ka Dha­cay Afaafka Hore ee Madax­tooy­ada iyo Al-shabaab oo Shee­gatay


Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhin­tay in ka badan 20-qof oo kalena way ku dhaawacmeen qaraxii Maqrib­n­i­madii Caawa ka dha­cay Afaafka hore ee Xarunta Madax­tooy­ada Som­lia, kaa­soo mas’u­uliyadi­isa ay shee­gatay Al-shabaab.

Qaraxa ayaa ka dha­cay Koon­ta­roolka koowaad ee laga galo Madax­tooy­ada oo ay Xil­li­gaas ku Sug­naay­een ci­idammo badan oo ka tir­san ilaal­ada Madax­tooy­ada iyo Dad Sha­cab ah oo ganac­siyo kala duwan ku haystay halkaas.

“Wax­aan in­d­ha­hayga ku arkay May­dadka il­laa Tod­doba Ruux oo uu ku ji­ray ruux oo isugu ji­ray Askar iyo dad sha­cab ah, Wax­aana dadka dhin­tay ku mid ahaa nin Cad­daan ah,” ayuu yiri Goob-jooge la had­lay War­baahinta is­a­goo ku Sug­naa Goobta uu Qarax­aani ka dha­cay, Wux­u­una in­taas ku daray in dhaawa­cyadu ay ahaay­een kuwo aad u fara badan.

Hawl-wadeen­nada Is­bitaalka Madi­ina ee Ma­g­a­al­ada Muqdisho ayaa waxay War­baahinta u sheegeen in la­soo gaar­si­iyay dhaawa­cyo ka badan to­ban ruux oo qaarkood ay dhaawa­cyada ku yaalla yi­hiin kuwo aad u cu­lus.

Xil­liga uu Qarax­aan dha­cayay ayaa waxaa la shee­gay in Er­gayga QM ee So­ma­lia, Dan­jire, Nicholas Kay uu ka­soo baxay Madax­tooy­ada Soomaaliya, halka­a­soo uu kaga qayb-galayay Shirkii looga Had­layay Doorashooyin ka dhaca dalka San­nadka soo socda ee 2016-ka.

Goobta oo dhan ayaa waxaa ka muuq­day bur­bur xoog­gan oo Qaraxaa oo ahaa mid cu­lus uu geystay, iyadoo sidoo kale ay goobta yaalleen gaadiid kala duwan oo bur­bur uu soo gaaray, kuwaa­soo Qaarkood la shee­gay inay ahaay­een la­haay­een dad sha­cab ah.

Dad­kii ku dhaawac­may Qarax­aas ayaa waxaa la dhi­gay Is­bitaal­lada Muqdisho Qaar ka mid ah wax­aana dadka qaraxan ku dhaawac­may ku ji­ray gud­doomiyaha Deg­mada Ward­hi­igley, Yaasiin Nuur oo ka dhaawac­may qaarka dambe, iyadoo ay dhaawa­cyadu isugu jireen kuwo cu­lus iyo kuwo fudud.

Ho­teel­lada ku dhow Xarunta Madax­tooy­ada sida Sayid iyo SYL ayaa Dad ku ji­ray Waxaa iya­gana soo gaaray dhaawa­cyo kala duwan, iyadoo fikir­radii Qaraxan uu meelo Fog-fog ku dhaawa­cay Dad Sha­cab ah.

Al-shabaab ayaa shee­gay mas’u­uliyada Qaraxa Is­mi­itaam­inta ahaa, iyadoo Afhay­eenkooda dhanka Hawl-gal­lada, Sheekh C/​casiis Abu-Mus­cab uu shee­gay in Weer­arkan ay iyagu ka dambeey­een ayna la beegsadeen Saraakiil Soomaali iyo Ajaanib isugu ji­ray oo uu shee­gay inay ku sug­naay­een Madax­tooy­ada So­ma­lia.

“Weer­arkan in­naga ayaa ka dambey­nay, Wax­aana la beegsan­nay Madax­tooy­ada oo Ha­gar-daamooyin kale loogu Malee­gayay Sha­cabka Soomaaliy­eed,” ayuu Sh. Abuu-Mus­cab ku yiri Hadal kooban oo uu si­iyay War­baahinta ku hadasha Afka Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Hay’adaha Am­maanka Dowladda So­ma­lia ayaa si rasmi ah weli uga hadlin Weer­arkan Is-mi­idaam­inta ah ee Maqrib­n­i­madii Caawa ka dha­cay Afaafka hore ee Xarunta Madax­tooy­ada, iyadoo aysan ahayn markii ugu Hor­reysay oo ay Al-shabaab weer­arto Villa So­ma­lia.

Si kastaba ha ahaa­tee, Weer­arkan is-mi­idaam­inta ah ayaa imaanaya xilli Tod­dobaad­kan uu u shee­gay Madaxwey­naha So­ma­lia, Xasan Sheekh Max­a­m­uud ku shee­gay Wareysi gaar ah oo uu si­iyay Reuters in Weer­arada Al-shabaab aysan Mac­na­hoodu ahayn inay mar kale soo laa­batay Awood­dii Al-shabaab.