GLOBAL NEWS

FAAH­FAAHIN: Hes­hi­iskii ay Ga­roowe ku kala Saxi­ideen Dowladda FS iyo Maa­mu­lada Dalka


Waxaa maanta ma­g­a­al­ada Ga­roowe ee Xarunta Punt­land lagu soo gaba-gabeeyay shir dhowr maal­mood soc­day oo u dhax­eeyay dowladda So­ma­lia iyo madaxda maa­mul­lada dalka, wax­aana shirka in­ti­isa badan di­iradda lagu saaray xaal­adda guud ee Soomaaliya.

Afhay­eenka madax­tooy­ada So­ma­lia Daa’uud Aweys ayaa sax­aafadda u akhriyay hes­hi­iskan oo ka koob­naa tod­dobo qodob oo kala ahaa.

  1. Fulinta iyo Hirgelinta Heshiisyadii Horey loo Galay.

Dawladda Fed­er­aalka So­ma­lia iyo maa­mul­lada dalka waxay isku af­gar­teen dar-dar-gal­inta iyo fulinta dham­maan hes­hi­isyadii ho­ray ay u gaa­reen dhi­na­cyadu , Si ar­rin­taasi loo gaaro waxaa lagu hes­hi­iyay in la ma­g­a­caabo guddi isku-dhaf ah oo ka shaqeeya hir-gelinta hes­hiis-yadaas, wax­aana la­soo dhoweeyay wixii ka qab­soomay hes­hi­isyadii la galay.

  1. Dastuurka iyo Arrimaha Federaalismka.

Si loo dar­d­ar­galiyo geeddi socodka dib u eegista das­tu­urka, waxay Madashu isku raac­day in la dhamay­stiro xub­naha ka dhi­man Gud­diyada dib u eegista iyo Ko­rmeerka Das­tu­urka ee ka imanaya Dowladaha xub­naha ka ah Fed­er­aalka sida ku cad Qodobka 133-aad Far­qadi­isa labaad Xarafka (A) iyo Qodobka 134-aad Far­qadi­isa Labaad.

  1. Hiigsiga 2016-ka (Vision 2016).

(a) Waxaa la isku raa­cay in dalka So­ma­lia ay ka qab­soomaan doorashooyin xor ah 2016-ka. (b) In ta­l­ada geeddi socodka Hi­igsiga 2016-ka ay ahaato mid loo dhan ya­hay.

  1. Dhismaha Dawladaha Xubnaha ka noqonaya dawladda Federaalka.

(a) Dhis­maha maa­mul­lada ka mid no­qon­aya dowladda Fed­er­aalka Soomaaliya waa in lagu saleeyo Das­tu­urka KMG-ka ah ee dalka.

(b) Waxay dhi­na­cyadu Wada-tashigu isku raaceen in dhis­maha maa­mulka KMG-ka ah ee Gob­ol­lada Dhexe ee ay dowladda fed­er­aalku hog­gaam­i­nayso lagu saleeyo hes­hi­iskii 14-kii Ok­too­bar 2014-kii Qodobki­isa 13-aad ee ay isla gaaeeen dawladda Fed­er­aalka So­ma­lia iyo maa­mulka Punt­land.

(c) Er­gooyin ka socda gob­olka Mudug Qaybta Punt­land lagama qayb-gelin karo shirka lagu dhisayo maa­mulka Gob­ol­lada Dhexe ee So­ma­lia.

  1. Arrimaha Ammaanka:

(a) Dhis­maha iyo isku-dhafka ci­idamad Qaranka Soomaaliy­eed (So­mali Na­tional Army).

(b) Waxaa la isku raa­cay in la hir-geliyo is-af­garad­kii 12-kii Abriil 2015-kii ee RW So­ma­lia Cumar C/​rashiid Cali Shar­maake iyo madaxwey­naha Punt­land, Cab­di­weli Max­amed Cali Gaas ka­soo tilmaa­mayay in 3000 oo askari looga qoon­deeyo Ci­idammada Xoogga Dalka Punt­land iyo in dowladda dhexe ay la wa­reegto xuqu­uqda ci­idamadaas.

(c) In Dowladda Sooma­liya ay taageero guud si­iso dowladaha xub­naha ka ah DFS, gaar ahaan dowladda Punt­land laga caawiyo la da­gaalanka ar­gag­ix­isada; iyadoo cabsi laga qabo in ar­gag­ix­isadu ka­soo gudubto xuduud-badeedka u dhexa­ysa Yemen iyo Soomaaliya.

(d) In Wasaaradda Am­niga Dowladda Fed­er­aalka So­ma­lia ay abu­urto xariir iyo is-kaashi joogta ah oo u dhex­eeya Wasaaradaha Am­niga ee maa­mul­lada xub­naha ka ah dowladda fed­er­aalka So­ma­lia, gaar ahaan ar­rimaha khuseeya am­niga iyo la da­gaalanka ar­gag­ix­isada,

(e) In la diyaariyo qor­she mideysan oo looga saarayo Al-shabaab oo ay ugu yeereen UGUS dee­gaanada wali gacan­tooda ku harsan.

(f) In sida ugu dhaqsaha badan loo sameeyaa gud­diga am­niga Qaran sida ku cad das­tu­urka KMG ah ee ee dalka cu­tubki­isa 10-aad, Qodobka 111-aad far­qadi­isa (h) oo tilmaa­maya in la dhiso gud­diga am­maanka Qaran.

(g) Si loo dar-dar-geliyo xo­raynta iyo xas­il­inta dee­gaan­nada waxaa bee­sha caalamka laga cod­sanayaa inay taageero bu­uxda ka geystaan dhis­maha ci­idamada booli­iska oo ay leey­i­hiin maa­mul­lada xub­naha ka ah fed­er­aalka So­ma­lia oo ku fulin sug­ida amni degmo wal­bana loo qoon­deeyo 200 oo askari Boo­lis.

  1. Wadaaga Khayraadka;

* Ka faa’i­i­daysiga khayraadka dabi­iciga ah;

(a) In khayraadka dalka oma­lia ku jira ay tahay hanti um­madda Soomaaliy­eed ay wada-leeda­hay, lana dhi­iri-galiyo sidii looga wada faa’i­daysan la­haa.

(b) In la sameeyo isla markaana la dhamey­stiro dham­maan sharu­ucda ka faa’i­daysiga iyo wadaaga kheyraadka dabi­iciga ah.

(c) Si loo dada­jiyo samaynta shu­cu­ucda qayb­siga khayraadka dabi­iciga ah; waxay madashu ku hes­hi­isay in la ma­g­a­caabo mudo 45-maal­mood gu­da­hood ah guddi ka kooban dowladda fed­er­aalka So­ma­lia iyo maa­mul­lada xub­naha ka ah oo ka­soo shaqeeya hes­hiis KMG ah oo ku saab­san qabysiga khayraadka dalka.

* Qayb­siga Dee­qaha Caalamiga ah iyo Cahdiga Cusub (New Deal)

(a) Waxaa la isla gar­tay in­aan lagu qanac­sanayn loona baa­han ya­hay in dib u eegis lagu sameeyo cahdiga cusub (New Deal).

(b) Dee­qaha lagu helo ma­g­aca Soomaaliya in loo qay­biyo si cadaalad ah iyadoo la abu­u­rayo jawi abu­uri kara kalsooni iyo huf­naan lana dhiso guddi farsamo oo ka kooban dowladda FS iyo maa­mul­lada xub­naha ka ah fed­er­aalka.

  1. Baahinta maamulka Gobolada iyo degmooyinka:

Waxay madasha isku raac­day in maa­mul­lada xub­naha ka ah dowladda dhexe ee So­ma­lia ay dada­jiyaan dhis­maha iyo dhamay­stirka maa­mul­lada gob­o­lada iyo deg­mooyinka dalka.

Ugu dambeyn, madaxwey­naha So­ma­lia, Xasan Sh. Max­a­m­uud iyo madaxda maa­mul­lada Jubba iyo Koon­fur-gal­beed ayaa si wada­jir ah u soo dhaweeeyay hes­hi­iskan oo sido kale ay goob-joog ka ahaay­een xubno ka soc­day bee­sha caalamka.