GLOBAL NEWS

Er­gayga QM ee So­ma­lia oo ku baaqay in la xal­liyo Mooshinka ka Dhanka ah Madaxwey­naha DFS


Er­gayga Qara­mada Mid­dobay ee Ar­rimaha So­ma­lia Dan­jire Nicholas Kay ayaa soo dhaweeyay qor­shaha lagu xal­li­nayo Mooshinka dhanka ka ah Madaxwey­naha So­ma­lia iyo sida ay uga go’an tahay dhi­na­cyada oo dhan in Mooshinka laga gaaro xal-waara.

Wax­aan soo Dhawey­nayaa Dadaalka ay Wadaan Afhay­eenka Baar­la­maanka So­ma­lia iyo Gud­diga taageer­san Mooshinkan si ay uga Wada-shaqeeyaan in qaab Wada­hadal iyo wada-tashi,” ayuu yiri Dan­jire Kay.

Is­a­goo sii had­laya ayuu yiri. “Wax­aan ugu baaqayaa Dhi­na­cyada ay Ar­rintu sida gaarka ah u khusayso inay si dhaqso leh ho­ray uga soc­daan si ay xal ay ugu heli la­haay­een khi­laafka hadda Jira.”

Nicholas Kay ayaa wuxuu Hadalki­isa ku daray in Xal laga Gaaro Mooshinkan uu Dalka u ogo­laanayo Ho­ru­marka Geedi-socodka Siyaasadda Soomaaliya inuu u socdo si aan hakad dambe la­hayn.

Ugu dambeyn, Er­gayga QM ayaa ku shee­gay Qo­raal uu soo Saaray Caawa in Koox­aha ay Di­iradda Saaraan Sidii loo bil­laabi la­haa Qab­soo­mid­dii Ku­lam­madii looga Ar­rin­san la­haa Doorashooyin ka dhaca Soomaaliya San­nadda 2016-ka.

Si kastaba ha ahaate, hadalka Kay ayaa ku­soo beeg­mayaa xilli Xild­hibaanno Baar­la­maanka Fed­er­aalka Soomaaliya u Gud­biy­een Mooshinno iska soo Hor­jeeda, oo mid ka mid ah laga keenay Madaxwey­naha So­ma­lia, Xasan Sheekh Max­a­m­uud