GLOBAL NEWS

Dugsiga hoose dhexe – sare ee Dee­gaan


Dee­gaan waxaa asaasay dhalin­yaro aqoonya­hanno ah oo da­reemay mas’u­uliyadda ka saraan waxbaridda Ubadka Soomaaliy­eed.

Dugsiga waxaa la asaasay 16 Au­gust 2006, Xilli ay Dalka ka jir­tay baahida waxbarashada asaasiga ah, halka­a­soo uu Bul­shada Soomaaliy­eed kula qayb­sa­day wad­cigii ad­kaa ay soo ma­reen. Dugsiga waxaa uu ku gu­u­laystay in uu 2007 bixiyo sha­haadoyin ar­day dhamaysa­tay tababar xir­fadeed kuwaa la baray xir­fadaha asaasiga ah sida xar­qaan tolidda, faryaa­mada & Ko­rontada.

Du­facdii ugu hor­reysay waxaa uu dugsigu soo saaray sanad­kii 2012 tirada ar­day­duna waxay ahaay­een 38 ar­day (20Wiil & 18 Gab­d­hood). Du­fa­cada 2aad waxay ka qal­in­jabisay 55 ar­day kuwaa oo kala ahaa (33 wiil & 22 Gab­d­hood). Duf­cada 3 aad waxay Dugsiga ka qal­in­jabisay 69 ar­day wax­ayna ka koob­naay­een (51 wiil & 18 Gab­d­hood).

Dugsigu waxaa uu ka tir­san ahay dugsiyada ku mi­doobay dal­ladda waxbar­shada ee FPENS; mana jirto hayad uu dugsigu siyaasadeeda ku shaqeeya ama wax gacan ka si­isa howl maalmeed­ki­isa.

Ujee­dooyinka Dugsiga:

  • Baahinta Cilmiga & Ka hortagga Jahliga.
  • Gacan qabashada Agoonta & Caruur ka dhasay reer­aha dan yarta ah.
  • Ku Bar­baar­inta ubadka Soomaaliy­eed dhaqan­keenna Soo jireenka ah.

Hi­igsiga & Him­i­lada Dugsiga:

  • In uu no­qdo hogaanka dugsiyada dalka ku yaalla & kuwa gob­olk­aba.
  • Baahinta adeegga waxbarasho heer Dagmo, Tu­ulo & Gobol.

Xarumaha Dugsiga:

Dugsigu waxaa uu xarumo ku leeya­hay Caasi­madda Dalka kuwaa oo ku kala yaalla Dag­mada wada­jir & Dag­mada Dharkin­ley.

Maadooyinka lagu barto Dugsiga :

Dugsiga hoose waxaa lagu bar­taa:

Tar­biyada Is­laamka, Carabi, Soomaali, Xisaab,In­giriis & Sey­nis.

Dugsiga Dhexe: 

Tar­biyada Is­laamka, Carabi, Soomaali, Xisaab,In­giriis & Sey­nis.

Dugsiga Sare:

Tar­biyada Is­laamka, Carabi, Soomaali, Xisaab,In­giriis, Fisigis, Bay­ooloji,Kimis­tary,Taari­ikh, Juquraafi & Cilmiga Luqadda cara­biga.

Dugsiga waxaa wax ka dhigta 11 macal­limiin oo isugu jira rag iyo du­marba macali­in­mta wax ka dhigti waxa ay ka soo bexee jaa­macad waxa ay soo ma­reen heerar kala duwan ee shaqo dham­maan macal­limi­inta dugsiga waxbarashadoodu waxay gaar­si­isan tahay ilaa heer jaa­macadeed.

Dugsiga waxa uu u baa­han ya­hay agab farabadan mana la­han cid si­inaysaa waayo dugsiga ardeyda waxa uu u qab­taa tar­tamo badan sida:

  • Qur’aanka kari­imka
  • Maadooyin
  • Su­u­gaanta
  • Hi­daha iyo dhaqan­keena su­uban
  • Kubada cagta
  • Xarig boodka
  • Musara­cada Gacabta

Iyo waxyaabo aad u farxad geliya ji­ilka Soomaaliyee balse dugsiga waxa uu­san heysan agabkii lagu hor­marin la­haa ubad­kaan Soomaaliy­eed si ay ula jaan­qaadi la­haay­een asaa­googa

Dugsiga agabka uu hada baahida u qabo waxaa ka mid ah:

No Magaca agabka Tirada Qiimaha 1kii xabo Wadarta
i. Kuraas iyo Miisas 100 xabo $ 20 $ 2000
ii. Uniform (wiil) 53 arday $ 13 $ 689
iii. Uniform (Gabdho) 67 arday $ 18 $ 1206
iv. Kaamiro (Duubis) 1 xabo $ 380 $ 380
v. Kaamiro (Sawir) 1 xabo $ 120 $120
vi. Computer 1 xabo $ 350 $ 350
vii. Printer 1 xabo $ 60 $ 60
viii. Samecado 2 xabo $ 180 $ 180
ix. Kursi xafiis 3 xabo $ 70 $ 210
x. Miis 2 xabo $ 120 $ 240
xi. $ 5437

 

Dugsiga waxa hada aad iyo aad ugu baa­han ya­hay oo uu rabo in gacan laga si­iyo

 

Dugsiga Hoose Dhexe Sare ee Dee­gaan (1)