GLOBAL NEWS

Dowladda So­ma­lia oo Maanta Maxka­madda ICJ u Gud­bi­naysa Dacwad ka dhan ah Mu­ranka Badda Kenya


Mas’u­uliyiin ka tir­san dowladda Fed­er­aalka So­ma­lia oo uu Hog­gaam­i­nayo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed­Cali Daahir ayaa Maanta u gud­bi­naya Maxka­madda Caalamiga ah ee ICJ oo xarun­teedu tahay Wadanka Nether­lands dacwad ka dhan ah mu­ranka badda ee u dhex­eeya Soomaaliya iyo Kenya.

Sida Qaanu­unka Maxka­madda u yaalla uu qabo, dalka Kenya oo ah midka laga gud­bi­nayo dacwadda ayaa xaq u leh inuu muddo sideed bilood ah oo marka laga gud­biyo dacwadda ka bil­laa­banaysa uu kaga jawaabo-celiyo, taa­soo mic­na­heedu ya­hay in Bisha Maarso ee San­nadka soo socda uu dhageysiga dacwad­dan si ras­mia ah u bil­laa­banayo.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Axmed Cali Dahir oo la had­lay BBC-da ayaa rajo ka muu­jiyay in dacwaddu ay gu­u­leysan doono, is­a­goo in­taas ku daray in dacwadan muddo labo sano ah laga soo shaqey­nayay.

“Dacwada aan maanta gud­bi­nayno laba sano ayaa laga soo shaqey­nayay, wax­aan je­claan la­haa in um­madda Soomaaliy­eed inay dowladda So­ma­lia ku kalsoon­aadaan iyo weliba dadka dacwad­dan u taa­gan. Wax­aan ugu bishaarey­nayaa Um­madeenna in dacwaddu ay tahay mid ay ku helayaan xaqooda, wax­aana heysanaa kalsooni aad u weyn oo ah in dacwad­dan ay gu­u­leysanayso,” ayuu Xeer Ilaaliyaha Qaranku yiri.

Sidoo kale, Axmed Cali Daahir ayaa waxaa ku wehli­naya sa­farki­isa Qa­reeno caalami ah, iyadoo ho­ray Dowladda Fed­er­aalka So­ma­lia uga soo saar­tay hadal cad oo ah in aysan Gor-gor­tan geli karin badda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Mu­ranka xuduud badeedka ah ee u dhex­eeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo ji­ita­maysay muddo dhowr san­nadood ah, iyadoo mas’u­uliyi­inta Dowladda So­ma­lia ay ka dhawaa­jiy­een inay dacwad­dan gud­biy­een, kaddib markii si hoose lagu xallin waayay mu­rankan.