GLOBAL NEWS

Diyaaradii raashinka u si­day Ami­som ee Xalay ku Dhac­day Dee­gaanka Car­biska


Iyadoo xalay ay ku dhac­day dee­gaanka Car­biska oo ku dhow deg­mada Af­gooye ee gob­olka Shabeel­lada hoose, iyadoo diyaarada uu soo gaaray bur­bur xoog­gan oo dhan walba leh.

Diyaarad­dan oo nooceedu ahaa Air­bus 300 ayaa u dhac­day sababo la xiri­ira shi­daalka oo ka dhamaa­day iyo iyadoo ku­soo aad­day ga­roonka Muqdisho xilli habeen­imo ah oo uu xi­ran ya­hay.

Shaqaal­i­hii diyaaradda oo ahaa lix ayaa dham­maan­tood la bad­baadiyay, dham­maan­toodna waxay u dhasheen dalka Masar, wax­aana lagu kala ma­g­a­caabaa; Taariq Bay­on­may, Salah Abdi Sadaq, Mo­hamed Subxi, Ahmed Baradaj, Alaa Raflax iyo Shax­ata Shanoni.

Raashinkii diyaaradda saar­naa ayaa la shee­gay inuu wanaagsan ya­hay, iyadoo tan iyo xalay ay ci­idamada AMI­SOM ilaalo xoog­gan ka hay­een halka ay ku dhac­day diyaarad­dan.