GLOBAL NEWS

Dib u dhac ku yimid Kulankii looga Hadli lahaa Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Somalia


Shirkii looga xaajoon lahaa Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Somalia oo lagu waday inuu maanta ka furmo Muqdisho ayaa dib u dhac uu ku yimid, kaddib markii ay diideen xildhibaannadii mooshinka keenay

Howl-wadeennada shirka ayaa bayaan looga hadlayay shirkan waxay ku sheegay in shirka loo hakiyay sababo la xiriira maqnaashaha ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo dalka ka maqan, lagana yaabo inuu soo laabto 10-ka bishan Oktoobar.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in Arbacada maanta ah ay xildhibaannada mooshinka keenay ka soo qayb-galaan shirka lagu maareynayo mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, xildhibaannada mooshinka ka keenay Madaxweynaha Somalia oo soo saaray shalay war-saxaafadeed ayaa sheegay inaysan ka qaybgalay shirka uu ku dhawaaqay Prof. Jawaari in Arbacada maanta furmi lahaa.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah xildhibaannadii mooshinka ka keenay Madaxweynaha Somalia ayaa warbaahinta u sheegay maanta inaanay ka qayb-gali doonin shirka lagu xallinayo mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha.

Bishii Ogoosto12-keedii ayay ahayd markii 93-xildhibaan oo baarlamaanka Somalia ay u gudbiyeen mooshin ay xusnaayeen qodobbbo lagu eedeynayo madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jiraan culus oo ku saabsan maamul-xumo.

Ugu dambeyn, lama oga illaa hadda xilliga uu qabsoomi doono shirkan, kaasoo la doonayo in lagu xalliyo mooshinka xil ka qaadista ah ee madaxweyne Xasan laga keenay, kaasoo ku noqday caqabad howlaha dowladda Somalia.