GLOBAL NEWS

Dib u dhac ku yimid Ku­lankii looga Hadli la­haa Mooshinkii laga keenay Madaxwey­naha So­ma­lia


Shirkii looga xaa­joon la­haa Mooshinkii laga keenay Madaxwey­naha So­ma­lia oo lagu wa­day inuu maanta ka furmo Muqdisho ayaa dib u dhac uu ku yimid, kaddib markii ay di­ideen xild­hibaan­nadii mooshinka keenay

Howl-wadeen­nada shirka ayaa bayaan looga had­layay shirkan waxay ku shee­gay in shirka loo hakiyay sababo la xiri­ira maq­naashaha ra’i­isul wasaaraha xuku­umadda Soomaaliya oo dalka ka maqan, la­gana yaabo inuu soo laabto 10-ka bis­han Ok­too­bar.

Gud­doomiyaha baar­la­maanka So­ma­lia, Max­amed Sh. Cis­maan Jawaari ayaa Ta­laadadii ku dhawaaqay in Ar­ba­cada maanta ah ay xild­hibaan­nada mooshinka keenay ka soo qayb-galaan shirka lagu maarey­nayo mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, xild­hibaan­nada mooshinka ka keenay Madaxwey­naha So­ma­lia oo soo saaray sha­lay war-sax­aafadeed ayaa shee­gay in­aysan ka qay­b­galay shirka uu ku dhawaaqay Prof. Jawaari in Ar­ba­cada maanta furmi la­haa.

Xild­hibaan Cab­dul­laahi Goodax Barre oo ka mid ah xild­hibaan­nadii mooshinka ka keenay Madaxwey­naha So­ma­lia ayaa war­baahinta u shee­gay maanta in­aanay ka qayb-gali doonin shirka lagu xal­li­nayo mooshinka ka dhanka ah madaxwey­naha.

Bishii Ogoos­t­o12-keedii ayay ahayd markii 93-xild­hibaan oo baar­la­maanka So­ma­lia ay u gud­biy­een mooshin ay xus­naay­een qodobbbo lagu eedey­nayo madaxwey­naha Soomaaliya, kuwaa­soo ay ku ji­raan cu­lus oo ku saab­san maa­mul-xumo.

Ugu dambeyn, lama oga il­laa hadda xil­liga uu qab­soomi doono shirkan, kaa­soo la doon­ayo in lagu xal­liyo mooshinka xil ka qaadista ah ee madaxweyne Xasan laga keenay, kaa­soo ku no­q­day caqabad howlaha dowladda So­ma­lia.