HISTORY

Deymo Taari­ikh: Dee­gaanka Juba­land 100 sano ka­hor ( Muxuu ka qo­ray Juba­land I. N. Dra­copoli ) – Writ­ten by PP – Edited by PP


Through Juba­land to the Lo­rain Swamp” 1914, Waa buug uu qo­ray I. N. Dra­copoli oo ah nin in­gri­iska u dhashay, waana aqoon ya­hay ka tir­sana The Royal Ge­og­ra­phy So­ci­ety ee UK. Wuxuu sa­han dhi­naca dhulka ku kala bixiyey in­nta u dhax­aysa Kismaayo (ma­g­a­alo madaxda Juba­land) ilaa waraha loo yaqaan Lo­rian Swamp ee Kenya.

Ujeedada soc­daalki­isu waa sah­miyo, baaro, qo­raal ka sam­meyo dadka, dhulka, dhaqanka iyo nolosha. Wuxuu cu­leys badan saaray du­ur­joog­tada iyo mee­laha ay ku badan tahay, biyaha iyo dhirta.

The Im­pe­r­ial British East Africa Com­pany, oo ahayd shirkad ganacsi ayaa ogo­laasho ku he­s­hay inay maa­musho Juba­land sanad­kii 1891, sald­higee­duna ahaa Kismaayo. 1 da Bishii Ju­u­lay 1895 ayey Wasaaradda Arimaha Dibedda kala wa­reeg­tay shirkadda ganacsi maa­mulki Juba­land.

Sanad­kii 1925 bisha Ju­u­laay ayey dowladda UK ku wa­ree­jisay Juba­land iyo Kismaayo (33,000 sq miles) maa­mulkii Talyaaniga.

Halkaan waxaa lagu soo band­hi­gayaa qaybo yar yare e bu­u­gaas, sababtoo ah aad uu weyn ya­hay:
Qo­raaga Bu­uga “Through Juba­land to the Lo­rian Swamp”, wuxuu tilmaa­may:

Inay Juba­land tahay dhul aan horey loo sah­min. Dad­keedu waxay u nool yi­hiin qaab nololeed­kii aabayaashod ee qarniyo tegay. Du­ur­joog­tadu waxay si nabad ugu nool yi­hiin dhul-daaqsimeed deg­gan ama harsadaan dhirta hoos­t­eeda iyadoon la dhibin. Hase yeeshee xaal­addu sidaas kuma waarayso. Dhowr sano kadib wax kasta waxaa ku dhici is­be­del, Juba­land waxay no­qon mid aan la aqoon­san.

Baalasha bu­uga ee soo socda wax­aan isku dayey in­aan qoro da­reenkayga ku aadan nolosha iyo dhaqanka dadka iyo xoolaha du­ur­joogaah, kar hor inta aysan soomaal­ida iyo boorantu aysan il­bixin oo aan du­ur­joog­tada la cayrin, dabadeedna aan la ciribtirin(p.7).

In­taan so­daalka ku jirey wax­aan muhi­mad gaar ah si­iyey qaabka dhulka (ge­og­ra­phy), dadka iyo taari­ikhda dabi­iciga ee dhulka aan maray. Ujeedadu waxay tahay inay wax­aan la ku­la­may ay aqoon ko­rd­hiso.

Juba­land waxaa dhi­naca bari so­hdin u ah We­biga Jubba(Juba River),oo dhi­naca kale uu Talyanigu maa­mulo (Ital­ian So­ma­liland), dhi­naca koon­fur-waqooyi waxaa ka xigga Bad­weynta Hindiya (the In­dian Ocean), dhi­naca koon­fureed so­hdin aan dhab aheyn (imag­i­nary line) oo laga bi­l­abay Waraha Jo­rian (the Lo­rian Swamp, Kenya) ilaa dee­gaanka Ba­jun ee Ki­unga oo xeebta saran. Gob­olka Tana­land ayaa koon­fur uga toosan so­hd­in­taas.So­hd­inta juba­land ee gal­beed waa dhulka Bo­rantu degto ee koon­fur Etiopia”. Inkas­too aan sa­hano waaweyn aan lagu sameyn qaybta waqooyi ee Juba­land, howlo badan waxaa ka qab­tay saraaki­isha ci­idanka King’s African Ri­fles(KAR)iyo xubno maa­mulka ka tir­sana.(pp18-19)

Had­aba si loogu helo xal dhibaatada iyo in sidi su­ura­gal ah loo hello aqoonta dalka u dhex­eeya Warta Lo­rian iyo Bad­weynta Hin­dia(In­dian Ocean) aniga (Dra­copoli) ayaa fuliyey soc­daalka aan ka war­bix­i­nayo. Hase yeeshee,waxaa talo ah in la qe­exo inta ay leeg yi­hiin howluhu, …………..”(p.20)

Wax­aan imid Mom­basa bishi Ok­too­bar 1912,dur­bana wax­aan u gud­bay Nairobi si aan ula kulmo maa­mulka iyo in aan helo ogo­laasho soc­daalka Juba­land. Wax­aan gacan naxariis leh ka helay Dhamme Salked, Gud­doomiyaha Gob­olka Juba­land(the Provin­cial Com­mis­sioner) kaaso markaas Nairobi ku sug­naa. Waxan howl­geliyey madaxa shaqaalha, Dahir Omar, iyo tur­jubaan ka yimid So­ma­liland, su­uqanaha wax­aan ka helay wiil Akamba ah oo adeega ah, cun­tokarie iyo qori-xam­baar.
Wax­aan gaaray ma­g­a­al­ada Mom­basa,agabkii, saadki iyo kooxdi wax­aan saar­nay doonta Wies­man, taaso ka shi­raa­catay Mom­basa(P 27).

Doonta Wies­man oo ay leeda­hay shirkad Hindi ah waxay ka timid dhi­naca Zanz­ibar, wax­ayna ku so­co­taa waqooyi. Waxay ku hakan doon­taa ma­g­a­alooyinka Ma­lindi, Lamu, Kismayu, Brava iyo Mo­gadishu(p.28)

Qeyb kasta ee khanka hoose ee doonta waxaa bu­uxshay masaa­fu­riin dee­gaanka ah;in­d­haha ka daboolan, waxay ku fideen gees walba,ayna no­qo­tay su­ura­gal la’aan in la dhex­maro; waxaa kamid ah soomaa­liku no­qon­aysa dalkooda, askar sa­far u ah Sar­ren­ley, Ba­juun and Swahili u socda Kismayu ama Lamu, Kikuyu shaqo doon ah ee u so­cota beer­aha rabarka (rub­ber plan­ta­tions)ee Tana hoose, dhamaana isku urur­san si kala sooc la­hayn, wax­aase ka xoog­batay daalka iyo hur­dada. Waxaa la da­reemaya urka badeecadda iyo har­gaha, … … …(P.29).

KISMAYU AND THE JUBA RIVER

Wax­aan ba­roosinka dhi­ganay in xeebta Kismaayo u jirta mile iyo badh ; Doonti waxaa ha­reereyey sac­taro yaryar ay ka bu­ux­aan dad dee­gaanka ah oo carab, Soomaali ama Ba­jun ah. Qaarkood waxay de­ji­nayaa badeeco, qaarna waxay ku rarayaan doonta badeeco cusub ; Kuwa kale waxay u yi­maadeen inay soo dhaweeyaan saaxi­ibadood. Si kastaba ha ahaa­tee waxay ahayd muuqaal wa­can oo xi­iso leh, marka la eego cad­ceeda ku­lul, badda blu­uga, hi­rarka xeebta ku rogm­naya, iyo aqal­ada iyo dadka soo xoomay. Waa xadaarad aan la be­delin, dhar iyo toobab mi­dabo badan oo dhamaan samay­naya sawir bilic leh.

Ma­g­a­al­ada Kismaayo Dadka cadaanka ah ee Kismaayo de­gan waxay ka kooban yi­hiin: Gud­doomiyayaasha Gob­olka iyo deg­mada iyo xaasaska,dhakhtarka, iyo taliyaha booliska ee Juba­land po­lice. Todobaadka aan sa­farka u diyaar no­qon­ayey wax­aan la de­gan Gud­doomiyaha deg­mada, Mu­dane K. R. Dun­das, sood­haweyn dhab ah ayuu ii fidiyey. Waxaa in­taas dheer inu i tuso waxkasta oo muhiim aga­gaarka ma­g­a­l­ada iyo inu i diyaar ii dhi­gay awr aan u dhaqd­haqaaqo.

Kismaayo ma ahan oo kaliya ma­g­alo madaxda Juba­land, balse waa xarunta dowladda. Muhi­ima­keeda waxay ku he­s­hay iyadoo ah mee­sha kaliya ee sugan, kuna taal wadada u dhax­eysa Mo­gadishu iyo Lamu, dham­maan badeecada u so­cota Gi­a­mame iyo koon­furta soomaaliya ee Talyaanigu xukumo waxay mar­taa deked­dada.

Waxaa de­gan dad lagu qiyaaso 4000, una badan Soomaali, carab, Bau­jun iyo xooga ganac­sato hindi ah. Marka laga reebo xafi­iska can­shu­u­raha iyo dhowr dhismo oo dha­gax oo ay madaxdu de­gan tahay,ma­g­a­aladu waxay ka kooban tahay aqalo car­shaan ah oo wadooyinka ku taxan, kuna dhamaada barxad yar oo ku yaaliin xafi­iska maaliyadda, maxka­madda,iyo xafi­iska Gud­doomiyaha Gob­olka. Waxaa kaloo ku yaal gole dhi­na­cyada ka fu­ran oo kul­la­madda u dhex­eeya caaqi­lada iyo madaxda lagu qabto.

Qof ayey dowlad­ddu ku shaqaa­leysay oo mushaarki­isu bishi ya­hay 15 rubi(ru­pees)inuu qaxwe lacag la’aan ah si­iyo qof kasta, darajo kasta ha la­haadee iyo waxyaabo macaan maalmaha ci­idaha.

Ma­g­a­al­ada Kismaayo, oo ma­g­a­ceedu ka soo jeedo er­ayada ” Kisima cha yuu,” mac­na­heedu ya­hay “Ceel sare” (Up­per Well) waxaa as­saasay Ab­dul Ma­lik bin Muri­ani sanad­kii 77-aad ee Hejriya (694 a.d.)

Waa isla xil­ligii la as­sasay ma­g­a­alooyinka Moud­isho, Brawe, iyo Ma­lin­idi ( eeg bu­uga, 41 “The Land Of Zinj” uu qo­ray Cap­tain Sti­gand.

Ab­dul Ma­lik wuxuu ka dhi­gay ragii la soc­day gud­doomiyayaal ma­g­a­l­loyinka is­agu wuxuu no­q­day sul­daan( cu­tubka 3,p.38)

Dhaca Galtida (Galti depre­da­tions)

In yar kadib imaatinka Kismaayo wax­aan ka warhe­lay in­aan ka fur­sanaeyn in­aan dibedda uga baxo Kismaayo si aan u helo awr, sababto ah dham­maan awrti la heli karay waxaa qaatay maa­mulka, si sa­hay loogu geeyo Sar­rin­ley halkaas oo xarun mi­latari ah oo ku taal xagga sare ee wabiga Jubba (Juba River). Sald­hi­gaas waxaa jooga 800 nin oo ka tir­san ci­idanka “The King’s African Ri­fles”, iyo 11 sarkaal oo cadaan ah. How­sha cidanku waa inay ilaaliyaan xadka Waqooyi-bari ee Juba­land. Taas waxaa lama hu­raan ka dhi­gay de­ganaan­sho la’aanta reer mare­haan ah (the Galti tribe of the Mare­han So­mali), kuwaaso mar dambe soo gal­lay de­gaanka dowladda In­gri­iska (British ter­ri­tory), kana soo qaxay koon­furta Soomaaliya. Kooxo weerar ah (in kas­too soomaalidu ka siman tahay)ayaa u geystey dhib badan reero ay saaxi­ibo yi­hiin, kuwaas oo dowladda ka dal­ba­day kaalmo. Cod­si­gaas jawaabti­isu ayaa no­qo­tay in ilaalo loo diro si loo soo celiyo shar­ciga, lana joo­jiyo dhaca lo’da.

Joog­i­taanka ci­idan yar wuu hakiyey weer­arada ilaa xad, hase yeeshee ar­intu waa dhaqan soomaaliy­eed, oo had­dii Galti aan la siin cashar adag durba dib ayey u bi­laabayaan dhaca iyo boobka si xawli markii ci­idanku dib u laabto.

Markaan arkay sida ay ar­intu tahay, wax­aan go’aansa­day in­aan aado Ja­maame( Giumbo) si aan u helo ogo­laasho aan ku soo iib­sado awr dhi­naca Talyaanigu maa­mulo; Awr ayaan fu­ul­nay aniga iyo Mu­dane Dun­das. Habeenka wax­aan marti u no­qonay Lieu­tenant Phillips, oo madax u ahaa koox yar oo awrayaal ah (Camel Corps) Goob­weyn afka soomaaliga waa “a large plain,” waxay ku taal we­biga Jubba qarki­isa (p.45).

Qay­baha sooma­lidda Juba­land iyo sidda uu u qo­ray

Qabi­ilada hadda wax ka joogaan Juba­land: Ma­re­ex­aan waxaa la shee­gay inay ka soo jeedaan Ci­ise, Ogadeen iyo Harti waa Kablalax Daa­rood, labaduba waa wi­ilasha Daa­rood Je­berti.

Ma­re­ex­aan waxay u sii qayb­samaan sad­dex reer Has­san,reer Isaaq iyo Galti(new­com­ers). Waxaa laga joogaa lix sanno oo kaliya inata ay reerka dambe soo galeen dhulka Juba­land. Waxay leey­i­hiin tiro fardo ah iyo awr, laakiin loddu waa ku yar tahay. Waxay de­gaan dhulka inta u dhax­eysa Dolow iyo Sar­ren­ley,had­dana waxay dowladda ku hayaan dhib, sidaan horey ugu tilmaa­may cu­tubki hore. Tirad­dodu waxaa lagu qiyaasay ilaa 5000.

Aga­gaarka dhow ee Kismaayo iyo koon­furta fog ee Biskayia, waa Harti. Caaqilkooda guud waa Mo­hammed Shirwa, hase yeeshee weli waa dhallinyaro. Arimaha qabi­ilka waxay gacanta ugu jir­taa Mo­hammed Aden. Harti waxay u qay­basan yi­hiin sad­dex jilib/​reer oo muhiim ah— Dhul­ba­hante, Warsen­geli iyo Ma­jer­teen. Kuwa hore waxay weli de­gan yi­hiin bariga Juba(Dhul­ba­hante). Waxaa kaloo jira xoogaa Warsen­geli ah ee de­gan Waqooyi (British ter­ri­tory).

Ma­jer­teenku si xooga ah ayey u joogaan,qiyaas ahaan 3000 ayaa de­gan dhulka u dhex­eeya Goob­wein and Port Durn­ford (Bu­rekavo). Harti, waa ganac­sato iyo lo’ dhaqato, wax­ayna isku koobeen xeebta, halka­a­soo ay xid­hi­idh dhow la leey­i­hiin carabta. Wax­ana ka mid yi­hiin dad­kii ugu horeeyey ee ogo­laa­day xukunka Igri­iska.

Harti way ka duwan yi­hiin reer miyiga gu­daha de­gan. Hadii la eego Waayo-arag­n­i­madooda shakhsiy­eed , kuwa kale fikrad i raali ge­lisa kama he­lin kuwaan kula kul­may Juba­land. Waa dad hun­guri-weyn oo lacag je­cel. Waa laga yaabaa inay soomaalidu ka siman tahay, laakiin toodu waa xad-dhaaf; Waxaa dhaqan-xumeeyey oo saameeyey sida ay markasta xid­hi­id­hga ula leey­i­hiin Eu­ro­pean-ka. Sidaas ayey ku yeesheen labo hab­d­haqameed.

Waxaa Har­tiga ka duwan soomaal­ida howdka juba, kuwaas oo ay Ogadeen inta badan yi­hiin. Reerka ugu waaweyn waa Mo­hammed Zubbeir, Aulye­han, Ab­dulla, Abd Wak iyo Maghabul. Waxaa kaloo tiro yar ah Reer Mo­hammed (Ta­lam­oge) iyo Habar Suleiman. Reer Ab­dille waxay de­gaan dhulka koon­fur-gal­beed ilaa we­biga Tana(Tana River). Dhi­naca gal­beedka waxaa ka xigga reer Abd Wak iyo reer Mo­hammed, oo loo yaqaan Tolo­moge.

Mo­hammed Zubeir oo xarun­toodu tahay Wa­jeer iyo Tolo­moge waxaa ka dhex­eeya co­laad joogta ah. In­yar kadib markaan gaad­hay Melka Waja, Mo­hammed Zubbeir, oo uu hogaam­i­nao Caqil Ahmed Ma­gan, waxay guul-darro weyn u geysteen Tolo­moge, da­gaal 36 saac soc­day, oo dhi­masho badan la­haa .

Kuwii gu­u­leystay (Mo­hammed Zubbeir)waxay ku soo no­qdeen dhi­naca waqooyi iya­goo soo helay afar bo­qol oo lo’ ah.(p.139)