GLOBAL NEWS

Dekedda weyn ee Muqdisho oo la mid no­qon­aysa Dekedaha Caalamka ugu Cas­risan


Dekedda Caalamiga ah ee Ma­g­a­al­ada Muqdisho ayaa la shee­gay inay ka mid no­qo­tay Dekedaha ugu cas­risan Calaamka, iyadoo Sanadi­hii dambe ay Ko­rd­hay­een Maraaki­ibta Shix­nadaha kala duwan Wada ee ku­soo Xi­ranaya Dekedda.

Sidoo kale, Dekedda Muqdisho oo ah Dekedda ugu weyn Dekedaha Dalka ayaa Waxaa ka Howl­gala Wi­ishas Casri ah oo Maraaki­ibta ku­soo Xirta Dekedda ka soo de­jiya Shix­nadaha ay wadaan, sidoo kalena ku raraxa shix­nadaha kale ee la dhoo­fi­nayo.

Inkas­too Dekedda Muqdisho ay Muddo San­nado ah ahayd mid aan lagu Shaqey­nayn ayaa waxay hadda u muuqataa mid ay maraakiib fara badan oo dalal kala duwan oo caalamka ka tir­san ka imaanaya ay ku­soo xir­taan, iyadoo Qal­abka Dekedda ka howl­gala ay fududeey­een de­jinta iyo iyo raridda shix­nadaha.

Mas’u­uliyiin ka Tir­san Shirkadda laga leeya­hay dalka Turkiga ee haatan gacanta ku haysa maa­mulka Dekedda Muqdisho ayaa shee­gay in Deked­dani ay tahay midda ugu muhi­im­san So­ma­lia, sidoo kalena ay tahay mid ka mid ah dekedaha ugu waaweyn kuwa Bariga Afrika.

Xil­liyadii ay da­gaal­lada So­ke­eye ka socdeen So­ma­lia ayaa Waxaa Dekedda Muqdisho soo gaaray dhaawa­cyo, laaki­inse xilli dambe ayaa la bil­laabay in day­ac­tir lagu sameeyo, taa­soo qayb weyn ka qaa­datay in dekeddu ay howlahii caadiga ka bil­low­daan.

Bishii Sep­tem­ber ee San­nad­kii hore 2014-kii ayay Dowladda So­ma­lia Waxay Maa­mulka Dekedda Muqdisho ku Wa­ree­jisay shirkadda Al-Bayrak ee laga leeya­hay Turkiga, iyadoo hes­hi­iska lala galay shirkad­dan uu dhi­gayo inay dib u cas­riyeyso Dekedda Muqdisho.

Cas­riyeynta Dekedda Muqdisho ayaa waxaa ku bax­aysa 80-Milyan oo Dool­larka, iyadoo dhaqaalaha ka­soo xa­rooda dekedda Soomaaliya ay 55% la siin doono dowladda So­ma­lia, halka 45% ay Shirkaddu Qaadanayso.

“Mashru­uca Cas­riyeynta Dekedda Muqdisho Waxaa ku bax­aysa 80-Milyan oo Dool­larka Mareykanka ah; wax­aana aamin-san­na­hay in lacagtaas ay Dekedda ka­soo laa­ban doonto,” ayuu yiri Madaxa Shirkadda Al-Bayrak, Ahmed Salim.

Shirkadda ayaa sidoo kale qor­shey­naysa inay dekedda ku Wa­ree­jiyo Kaamirooyinka lag­ula Socdo dhaqd­haqaaqyada dekedda si Amaan­keeda loo ad­keeyo, iya­goo howlo dib u dhis ah oo casri ah ay haatan ka soc­daan dekedda Muqdisho.

Ugu dambeyn, Madaxa Shirkada Al-Bayrak ee dalka Turkigu laga leeya­hay, Ahmed Salim ayaa xusay in Wa­jigii koowaad ee Day­ac­tirka Dekedda Muqdisho la­soo gu­naana­day, uuna hadda socdo War­jigii labaad ee lagu Day­ac­ti­rayay Dekedda.

Si kasta ha ahaa­tee, Ahmed Salim ayaa Xusay in San­nad­kii la­soo dhaafay ee 2014-ka in­tii ay ka Shaqey­nay­een Dekedda ay soo Xareysay­een Dakhli gaaraya 2.7 Milyan oo dool­larka Mareykanka, San­nad­kan ay Ra­jey­nayaan in dhaqaale in­taas ka badan ay ka­soo xa­reeyaan.