GLOBAL NEWS

Deg Deg: Madaxweyne Cusub oo kale oo looga dhawaaqay Dhuusamareeb


Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud waxaa looga dhawaaqay Madaxweyne kale oo uu yeellanayo Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee Gobolada Dhexe.

C/llaahi Cabdi Dhoodi oo ka mid ah Ahlusunnada ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka iyo Dadka Degmada ku nool ay u doorteen Madaxweynaha Ahlusunna ee Gobolada Dhexe.

Mas’uulkaan maanta sheegtay in loo doortay Madaxweynaha Gobolada dhexe ayaa Xusay in uusan Aqoonsaneyn Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna oo uu Madaxweynaha ka yahay Sheekh Maxamed Shaakir Cali xasan.

Dhoodi ayaa sidoo kale sheegay in uusan wax wal wal ah ka qabin Ahlusunnada ku sugan Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Arrintaan ayaa u muuqata Khilaaf inuu Khilaaf soo kala dhex galay Ahlusunnada ku sugan Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ay ka midka yihiin.