GLOBAL NEWS

Deg Deg: Madaxweyne Cusub oo kale oo looga dhawaaqay Dhu­usama­reeb


Maanta Ma­g­a­al­ada Dhu­usama­reeb ee Xarunta Gob­olka Gal­gaduud waxaa looga dhawaaqay Madaxweyne kale oo uu yeel­lanayo Maa­mulka Ahlusunna Wal­ja­maaca ee Gob­o­lada Dhexe.

C/​llaahi Cabdi Dhoodi oo ka mid ah Ahlusun­nada ku sugan Ma­g­a­al­ada Dhu­usama­reeb ayaa shee­gay in Odayaasha dhaqanka iyo Dadka Deg­mada ku nool ay u door­teen Madaxwey­naha Ahlusunna ee Gob­o­lada Dhexe.

Mas’u­ulkaan maanta sheeg­tay in loo door­tay Madaxwey­naha Gob­o­lada dhexe ayaa Xusay in uu­san Aqoon­saneyn Maa­mulka Gob­o­lada Dhexe ee Ahlusunna oo uu Madaxwey­naha ka ya­hay Sheekh Max­amed Shaakir Cali xasan.

Dhoodi ayaa sidoo kale shee­gay in uu­san wax wal wal ah ka qabin Ahlusun­nada ku sugan Ma­g­a­alooyinka Dhu­usama­reeb iyo Guriceel.

Ar­rin­taan ayaa u muuqata Khi­laaf inuu Khi­laaf soo kala dhex galay Ahlusun­nada ku sugan Ma­g­a­alooyinka Guriceel iyo Dhu­usama­reeb ay ka midka yi­hiin.