GLOBAL NEWS

DEG DEG – Kux­igeenka Nic­los Key oo Kismaayo gaaray lana kul­may ma­su­uliyi­inta Jub­ba­land [Daawo Muuqaal]


Wafdi­gaan oo uu hog­gaam­i­naayey kux­igeenka waki­ilka Qara­mada mi­doobay ee Soomaaliya Raise­don Zanega ayaa markii ay soo gaa­reen ma­g­a­al­ada Kismaayo waxay xarunta madax­tooy­ada Jub­ba­land kula kul­meen ma­su­uliyi­inta maa­mulka Jub­ba­land.

Ku­la­mada oo labo ahaa isla markaana ay sax­aafadda dibad joog ka ahayd ayaa kan hore waxa uu dhex­maray xub­naha ka soc­day Qara­mada mi­doobay iyo qaar kamid ah go­laha wasi­irada ee maa­mulka Jub­ba­land.

Ku­lanka labaad ayaa sidoo kale dhex­maray madaxwey­naha Jub­ba­land Axmed Max­amed Is­laam iyo ma­su­uliyiin kale oo maa­mulka katir­san maa­mulka Jub­ba­land.

Markii ay soo gaba ga­boobeen ku­la­mada labada dhinac ayaa waxaa shir jaraa’id wada qab­tay Madaxwey­naha Jub­ba­land Axmed Max­amed Is­laam iyo kux­igeenka waki­ilka Qara­mada mi­doobay ee Soomaaliya Raise­don Zanega.

Inkas­too aysan markii ugu ho­raysay oo wafdi ka socda Qara­mada Mi­doobay usoo gaaro ma­g­a­al­ada Kismaayo ayaa hadana wafdiga maanta waxay ku­soo beeg­meen xilli ay dhamay­sti­ran yi­hiin hay’adaha dowliga ah ee maa­mulka Jub­ba­land oo mud­don qabyo ahaa.