GLOBAL NEWS

Dagaal saakay mar kale ka dhacay Magaalada Gaalkcyo xili halkaasi ay joogaan Madax kala duwan


Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in saakay oo talaado ah uu maanta mar kale dagaal uu ka dhacay Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan furumaha ay isku horfadhiyaan Ciidamada Puntiland iyo kuwa Galmudug.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ahaa mid mudo kooban socday oo labada dhinac is dhaafsadeen, waxaana dagaalkaasi ka dhashay qasaaro soo kala gaaray labada ciidan ee wali is horfadhiya ee kala taabacsan Maamulada Galmudug iyo Puntiland.

Maamulada Galmudug iyo Puntiland ayaan ka hadlin dagaalka kooban ee saakay mar kale dhax maray Ciidamada kala taabcsan labadaasi maamul, waxa ayna Hogaamiyaasha maamuladasai ay horey u balan qaadeen in ay diyaar u yihiin in colaada Gaalkacyo qaab nabdoon lagu dhameeyo.

Dagaalka maanta mar kale dhacay ayaa imaanaya xili Magaalada Gaalkacyo ay ku sugan yihiin Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirsahiid Cali iyo Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira, kuwaa oo ku hoolan daminta xiisada ka taagan Magaalada Gaalkacyo.