GLOBAL NEWS

Da­gaal cu­lus oo maanta mar kale dib uga soo cus­boon­aa­day dee­gaanka Deefow ee Gob­olka Hi­iraan


Da­gaal xoogan ayaa maanta mar kale dib uga soo cus­boon­aa­day dee­gaanka Deefow ee Gob­olka Hi­iraan, iyadoo da­gaalkan cusub ay ku geeriy­oo­day ilaa to­ba­neeyo ruux, halka tiro in­taa ka badanna ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa shee­gaya in mid ka mid ah maleeshiyadii labada maleeshiyo ee halkaas ho­ray uga da­gaala­may ay weer­arka qaa­day, wax­aana halka uu da­gaalka ka qarxay la shee­gay inay tahay tu­u­looyin hoos taga Deefow iyo kuwo dhaca xudu­uda Gob­olka Hi­iraan ee uu la wadaago Itoobiya,

Wararka ayaa in­taa ku daraya in da­gaalka ay qeyb ka yi­hiin ci­idamada dowlad dee­gaanka Soomaal­ida Itoobiya ee Liyuu Boo­lis, iyadoo ci­idamadan ay sidoo kale ku lug la­haay­een da­gaalo maalmi­hii la soo dhaafay ka dha­cayay xadka Gob­olka Gal­gaduud.

Dad­kii ku dhaawac­may da­gaalka ayaa la dhiay Is­bitaalka guud ee ma­g­a­al­ada Beled­weyn, wax­aana qaarkood la shee­gay in dhaawa­cooda uu aad u cu­lus ya­hay.

Da­gaal­adan ayaa salka ku hayay la­haan­shaha dhul ay isku hayaan labo beelood, wax­aana dhulkaas ay yi­hiin kuwo caan ku ah wax soo saarka beer­aha.

Xaal­ada dee­gaanka Deefow iyo tu­u­looyinka hoos taga ayaa ahaa kuwo mud­dooyinkii u dambeeyay xaal­adooda de­geneyd, wax­aana soc­day waan waan iyo dadaalo la doon­ayay in co­laadaas lagu soo af­jaro.