GLOBAL NEWS

Da­gaal Ci­idanka dowladda So­ma­lia iyo Xoogagga Al-shabaab Maanta ku Dhex­maray Gob­olka Gedo


Da­gaal dhex­maray ci­idamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ayaa maanta ka dha­cay dee­gaanka Masalle-Ad­duun oo hoos-taga deg­mada Gar­ba­haarey ee xarunta gob­olka Gedo, kaa­soo khasaare dhi­masho iyo dhaawac ah ay ka dhasheen.

Mas’u­uliyi­inta dowladda fed­er­aalka So­ma­lia ee gob­olka Gedo ayaa war­baahinta u shee­gay in da­gaalkaas ay ku dileen lix xoogagga Al-shabaab ka tir­san, ayna kaga dhaawaceen tiro kale.

Gud­doomiyaha gob­olka Gedo, Axmed Bu­ule Max­amed (Can­jeex) ayaa xusay in da­gaalkan ay qaadeen ci­idamada dowladdu So­ma­lia kuwaa­soo uu shee­gay in ay xoogaga Al-shabaab kala soo wa­reegeen xoolo ay dadka dee­gaankaas ku nool ka ururiy­een.

Sidoo kale, Axmed Can­jeex ayaa shee­gay in da­gaalkaas ay uga dhin­teen laba askari oo mid ka mid ah uu ahaa saraalkii hog­gaamiyay ci­idamada weer­arka qaa­day, hal askari oo kalena uu kaga dhaawac­may.

“Xooli­hii aan ka­soo fu­ran­nay Al-shabaab wax­aan dib ugu celi­nay­naa sha­cabkii laga soo ururiyay,” ayuu yiri gud­doomiyaha gob­olka Gedo, Axmed Bu­ulle Can­jeex oo la had­layay war­baahinta gu­daha iyo dibadda.

Ugu dambeyn, Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin da­gaalkaan ka dha­cay gob­olka Gedo ee Koon­furta So­ma­lia, iyadoo da­gaalkan la shee­gay inuu ahaa mid aad u xoog­gan oo la isku adeegsa­day hubka noocyadi­isa kala duwan.