GLOBAL NEWS

: Ci­idanka AMI­SOM So­ma­lia kama bax­ayaan ilaa haw­shood ay dhamey­sti­raan


Er­gayga Mi­d­owga Afrika ee So­ma­lia, ahna Madaxa Hawl-galka AMI­SOM, Dan­jire Fran­sisco Madeira, ayaa shaaciyay in ci­idamada AMI­SOM ay sii joogi doon­aan Soomaaliya il­laa ay haw­sha loo ig­ma­day ka dhamey­sti­rayaan.

Hawl-galka AMI­SOM ee Soomaaliya ayaa la bill­abaay 19-kii Jan­naayo, 2007-dii, wax­aana ci­idankan oo tiradoodu ka badan tahay 22,000 oo Askari ay ka soc­daan Wad­damo Afrikaan ah, iyadoo hawl-galkan oo ay taageero QM uu socdo muddo sagaal san­nadood ah.

Dan­jire Madeira oo wareysi ku si­iyay Muqisho wargeyska The Star oo Nairobi ka­soo baxa, ayaa waxaa la wey­di­iyay su’aal ahayd –Ma xiriir Wanaagsan ayaa ka Dhex­eeya Ci­idamada AMI­SOM iyo Booli­iska Soomaaliya, Wux­u­una ku Jawaabay.

”Haa… Sha­lay wax­aan la joogay ci­idamada qaybta afaraad ee AMI­SOM, wax­aana ku soo arkay Ar­rin aad ii qan­cisay. Ci­idanka waxaa u dhex­eeya xiriir Wanaagsan, taasna waa mid aad u muhiim noogu ah. Inkas­too mee­laha qaar ay caqabado dhanka xog-is-dhaaf­siga ah ay kala kul­maan, taasna waxaa sabab u ah lu­uqadda.”

Mar la wey­di­iyay gu­u­laha ay AMI­SOM gaar­tay sagaalkii sano ee ay Soomaaliya ka Hawl-galay­een. Wux­u­una kaga Jawaabay inay badan yi­hiin, isla markaana ay Dhul bal­laaran ka saa­reen Al-shabaab. Inkas­too uu shee­gay inay ji­raan caqabado ay kala kul­meen hawl-galka AMI­SOM, balse gu­ulo ay gaa­reen.

Su’aal kale oo la wedyi­iyay, Dan­jire Madeira ayaa ahayd, Marka Soomaaliya la eego Xag-jirn­i­madu waa dhibaato weyn, marka waa maxay qor­shaha AMI­SOM ee ar­rin­tan ku aadan? wux­u­una ku jawaabay. “Wax­aan bul­shada Soomaaliy­eed ka doon­ay­naa in Bar­naami­jyada ka hor-tagga xa­jirn­i­mada ay na­gala shaqeeyaan. Sidoo kalena wax­aan doon­ay­naa cid walba oo khi­brad u leh inay na­gala shaqeyso oo ay naga caawiyaan. “

Waki­ilka Mi­d­owga Afrika ee So­ma­lia, ayaa wuxuu hadalk­isa ku daray – in caalamku uu sii wado taageer­ada AMI­SOM, waayo waa la og­soon ya­hay in­u­u­san So­ma­lia ka jirin am­maan. Laaki­inse in­agu mar walba wax­aan ku dadaalay­naa in­aan wax ka qa­bano marin-habaabinta in­tii aan awoodno. Dhallinyarada Soomaaliy­eedna aan u fidino taageero ah sidii ay ku heli la­haay­een cunno, guryo iyo waxbarasho, si looga hortago inay ku bi­iraan Al-shabaab kuwa la midka ah.

Er­gayga ayaa waxaa kaloo la wey­di­iyay; Ma su­uro-gal baa in­aad Wada­hadal la fur­taan Al-shabaab? Wux­u­una su’aashaas kaga jawaabay. “Waa maxay wada­hadal­lada aan la fu­rayno Al-shabaab? Hal­keen kula had­lay­naa Al-shabaab? Waayo waxay di­laan Sha­cab aan waxba Gal­ab­san oo ay ku ji­raan Car­ruur iyo Haween, Ma Garanayaan sida loo ilaaliyo Aadanaha, mana xush­meeyaan nolosha, Sidaas awgeed xaq uma la­han in lala xaa­joodo. Imisa qof bay dileen, marka wada­hadal wax uu ka be­deli karo ma jirto.”

Dan­jire Madeira waxaa la wey­di­iyay, Goomaad u ma­ley­naysaa in AMI­SOM ay ka taqalusi karto Al-shabaab? Is­a­goo kaga jawaabay. “Weli­gaa ma maqashay da­gaal soc­day 100-sano? Miyuu dham­maa­day? Wuu dham­maanayaa. Hadd­aba da­gaalka aan ku jirno sagaal Sano oo ke­liya ayuu soc­daa. Ma garan karo xil­liga la­soo Af-jarayo, balse wax­aan idiin Xaqi­iji­nayaa in la cirib-tiri doono. In­nagu ma joo­jin doonno Hawl-galka aan doon­ayno in­aan kaga Taqa-lusno.”

Waxaa kaloo la wey­di­iyay; Bisha Sep­tem­ber ee San­nad­kan So­ma­lia waxaa ka dhici doonta doorasho, marka sidee AMI­SOM ugu diyaar-garow­day inay xaqi­ijiso Am­niga doorashada? Wux­u­una ku jawaabay. “Aad ayaan ugu Faraxsan-na­hay inay Hog­gaamiyeyaasha So­ma­lia ku hes­hi­iy­een qaabka ay doorashadu u dha­cayso. Tal­laabadaa­soo ah mid ho­ray loo qaa­day. Waana mid dhab­baha u xaaraysa Xas­il­loonida Soomaaliya. AMI­SOM ahaanna waxaa naga go’an in­aan door­keenna nabadeed halkaan ka qaadanno.”

Er­gayga waxaa kaloo la wey­di­iyay; Ra­jadi­isa in xil­liga hawl­galka loo ko­rd­hiyo, maadaama uu ku eg-ya­hay Waqtiga la si­iyay dham­maadka San­nad­kaan lagu jiro? is­a­goo ku Jawaabay. “Mud­dada Hawl-galka AMI­SOM Waxaa mar walba loo ko­rd­hiyaan si joogto ah, Wax­aana qi­imeyn ku sameeya in hawl-galkaan uu sii so­conayo iyo in la­soo Gaba-gabey­nayo Go­laha Amaanka iyo Nabadda Mi­d­owga Afrika. Balse in Hawl-galka la soo Guaanado waa mid ka imaanaysa Xuku­umadda fed­er­aalka So­ma­lia ka imaanaysa. Run ahaan­tii waanu doon­ay­naa in­aan maantaba ka baxno So­ma­lia; Balse ma dha­cayso taaso, waayo weli waxaa loo baa­han ya­hay in­aan dhamey­stirno haw­shii aan So­ma­lia u nimid.”

Ugu dambeyn­tii, Dan­jire Madeira ayaa la wey­di­iyay; Waa maxay Aragti­daada? is­a­goo yiri. “Had­dii aan doon­ayno in­aan soo af-jarno Ar­ga­gax­isada So­ma­lia iyo Guud ahaanba Afrika, Waa in­aan sii wad­naa da­gaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Da­gaalkanna ma ahan mid gooni ah, laakiin wuxuu qayb ka ya­hay da­gaal­lada ka socda Dunida oo dhan, sida; Li­ibiya, Maali, Nay­jeeriya, Yemen, Su­uriya, Ciraaq, Af­gaanistaan iyo kuwo kale.

Ar­ga­gax­isadu waa khatar caalami ah marka waa in caalamku ay iska-kaashadaan sidii loola da­gaal­lami la­haa khatar­taas, Wadamada ay ka ji­raanna gacan lagu si­iyo sidii ay is­aga cirib-tiri la­haay­een.