GLOBAL NEWS

Bulshada Banaadiriga ee ku nool UK oo ka Hor-jeestay in Muqdisho lagu daro Maamul Goboleed


[show_avatar email=11 align=left user_link=last_post show_name=true avatar_size=70]

Shirweyne ay isugu yimaadeen waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada beelaha Banaadiriga, ayaa 2-dii Maajo 2015 wuxuu ka dhacay waqooyiga magaalada London dalka UK.

Dadka ka soo qaybgalay shirkaas oo dhammaantood ka soo jeeda beelaha Banaadiriga, isla markaasna tirsanaya in ay yihiin laf-dhabartii ummadda ku nool magaalada Xamar, kaddib markii ay darseen Ujeeddada laga leeyahay in Muqdisho la hoos keeno maamul-goboleed, ayaa waxay go’aan ku gaareen qodobada soo socda:

MAQAAMKA MUQDISHO;

  1. Muqdisho waa magaalo madaxdii Soomaaliya, xaruntii Dawladda, xuduntii dalka oo idil, xaruntii ilbaxnimada iyo midnimada. Waa meel Ummadda Soomalaiyeed oo dhan ay wada deggan tahay, multi-ethnic ah, adduunkuna wax ka deggan yahay, oo safaarado iyo hay’ado kale u joogaan.
  2. Isagoo tix-gelinaya ahamiyadda maqaamka soo jireenka iyo taariikhiga ah ee Muqdisho, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu Qeexayaa in Muqdisho ay tahay Caasimadii Qaranka Somalia, maqaam-keedana uu dib u eegis Baarlamaanku ku sameyn doono.
  3. Waxaan taageersan nahay in aan lagu xad-gudbin maqaamka Dastuurku siinayo Magaalo madaxda Soomaaliya. Waxaan Baarlamaanka ugu baaqaynaa in uu ka hortago, go’aanna ka soo saaro ilaalinta maqaamka Muqdisho, isagoo tixgelinaaya talo bixinta dadka asalooga ah, ka hor inta aan go’aan loo dudbin hey’adaha Dowladda.
  4. Waxaan canbaareynaynaa cid kasta oo wadata, dan kasta ha ka lahaatee, in Muqdisho la hoos geeyo ama ka mid noqoto ‘Maamul goboleed’.
  5. Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Jaamacada Carabta, Ururka Afrikaanka, Ururka IGAD iyo Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa gudaha iyo dibadaba, inay ku baraarugsanaadaan dhibaatada ay lahaan karto magaalada madaxda Soomaaliya oo maamul gaboleed ka mid noqota.