GLOBAL NEWS

Bul­shada Ba­naadiriga ee ku nool UK oo ka Hor-jeestay in Muqdisho lagu daro Maa­mul Gob­oleed


[show_a­vatar email=11 align=left user_link=last_­post show_­name=true avatar_­size=70]

Shir­weyne ay isugu yi­maadeen wax­garadka, siyaasiyi­inta, aqoonya­hanada iyo qay­baha kala duwan ee bul­shada bee­laha Ba­naadiriga, ayaa 2-dii Maajo 2015 wuxuu ka dha­cay waqooyiga ma­g­a­al­ada Lon­don dalka UK.

Dadka ka soo qay­b­galay shirkaas oo dham­maan­tood ka soo jeeda bee­laha Ba­naadiriga, isla markaasna tir­sanaya in ay yi­hiin laf-dhabar­tii um­madda ku nool ma­g­a­al­ada Xa­mar, kaddib markii ay darseen Ujeed­dada laga leeya­hay in Muqdisho la hoos keeno maa­mul-gob­oleed, ayaa waxay go’aan ku gaa­reen qodobada soo socda:

MAQAAMKA MUQDISHO;

  1. Muqdisho waa ma­g­a­alo madaxdii Soomaaliya, xarun­tii Dawladda, xudun­tii dalka oo idil, xarun­tii il­baxn­i­mada iyo mid­ni­mada. Waa meel Um­madda Sooma­laiy­eed oo dhan ay wada deg­gan tahay, multi-eth­nic ah, ad­du­unkuna wax ka deg­gan ya­hay, oo safaarado iyo hay’ado kale u joogaan.
  2. Is­a­goo tix-geli­naya ahamiyadda maqaamka soo jireenka iyo taari­ikhiga ah ee Muqdisho, Das­tu­urka Jamhu­uriyadda Fed­er­aalka Soomaaliya wuxuu Qe­ex­ayaa in Muqdisho ay tahay Caasi­madii Qaranka So­ma­lia, maqaam-keedana uu dib u eegis Baar­la­maanku ku sameyn doono.
  3. Wax­aan taageer­san na­hay in aan lagu xad-gud­bin maqaamka Das­tu­urku si­inayo Ma­g­a­alo madaxda Soomaaliya. Wax­aan Baar­la­maanka ugu baaqay­naa in uu ka hortago, go’aanna ka soo saaro ilaal­inta maqaamka Muqdisho, is­a­goo tixgeli­naaya talo bix­inta dadka asa­looga ah, ka hor inta aan go’aan loo dud­bin hey’adaha Dowladda.
  4. Wax­aan can­baarey­nay­naa cid kasta oo wa­data, dan kasta ha ka la­haa­tee, in Muqdisho la hoos geeyo ama ka mid no­qoto ‘Maa­mul gob­oleed’.
  5. Qara­mada Mi­doobay, Mi­d­owga Yu­rub, Jaa­macada Carabta, Ururka Afrikaanka, Ururka IGAD iyo Um­madda Soomaaliy­eed wax­aan ugu baaqay­naa gu­daha iyo dibad­aba, inay ku baraarugsanaadaan dhibaatada ay la­haan karto ma­g­a­al­ada madaxda Soomaaliya oo maa­mul gaboleed ka mid no­qota.