GLOBAL NEWS

Booli­iska Ga­roowe oo tiro dad ah u qabqab­tay Qarax lagu Weer­aray Shaqaale ka Tir­sanaa QM


Taliyaha qaybta booli­iska gob­olka Nu­gaal, Axmed C/​llaahi Samatar (Layli) ayaa shee­gay in ay ji­raan dad loo soo qab-qab­tay qarax is-mi­idaamin ahaa oo maalmo ka hor Ga­roowe lag­ula eeg­tay shaqaale ka tir­sanaa Qara­mada Mi­doobay.

Wixii ka dambeeyay maalinkii u qaraxu dha­cay waxaa soc­day howl-gallo baar­i­taanno ah, wax­aana hadda aan gacanta ku hay­naa shakhsiyaad lala xiri­iri­nayo qarax­aas,: ayuu shee­gay taliyaha oo la had­layay War­baahinta.

“Cid­dii ay ku cadaato ar­in­tan waxaa loo gud­bin doonaa gud­digii ay dowladdu u saar­tay si loo hor­keeno shar­ciga,“ ayuu mar kale yiri taliyaha oo xusay in baar­i­taanada ka dib qofkii danbi lagu waayo la sii dayn doono.

Waxaa kalo ma­su­ulkan uu shee­gay in am­niga ma­g­a­al­ada Garowe aad loo ad­keeyay ,iyadoo ay ji­raan amarro lagu soo ro­gay mulki­ilayaasha ho­tee­lada Garowe si looga hortago weer­arro hor leh oo ka dhaca ma­g­a­al­ada sida uu shee­gay taliyaha.

“Bul­shada waxaa looga baa­han-ya­hay in ay caawiyaan booliska si loo helo xogta cid kasta oo qor­shay­naysa in ay weerar ka fuliso Garowe” ayuu mar kale yiri Layli, iyadoo dhawaan ma­g­a­al­ada Garowe laga hir­galiyay xafiis isku xiri doona bul­shada iyo booliska.

Ugu dambeyn, tod­dobo qof oo uu ku jiro ru­uxii is-mi­idaamiyay ayaa ku naf-waayay qarax ka dha­cay meel ku dhow xafi­iska Qara­mada Mi­doobay ay ku leeda­hay ma­g­a­al­ada Garowe, wax­ana weer­arkan siyaabo kala duwan u cam­baa­reeyay madaxda ugu saraysa QM oo ku jiro Banki­moon.