GLOBAL NEWS

Bee­laha ay ka­soo kala Jeedaan Gu­doomiyaha Baar­la­maanka Jub­ba­land iyo 2-di­isa kux­igeen


Sida aan idiin bal­an­qaad­nay wax­aan halkan idi­inku soo Gud­bi­nay­naa bee­laha ay ka­soo kala Jeedaan Gu­doomiyaha cusub ee Baar­la­maanka Jub­ba­land iyo 2-di­isa kux­igeen oo maalinkii sha­lay ahaa lagu door­tay Xarunta Baar­la­maanka ee ma­g­a­al­ada Kismaayo. Gu­doomiyaha cusub ee Baar­la­maanka Jub­ba­land mu­dane Sheekh Cabdi Max­amed Cab­di­rax­maan helay 45 cod, co­dad­kii Baar­la­maanka, waxaa u ka­soo Jeedaa Bee­sha Digil iyo Mid­hi­fle ama Rax­an­wayn ee wax kadagta Gob­o­lada Jubada dhexe iyo Gedo.

Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka Jubbaland mudane Aadan Khaliif Xaaji Yuusuf wuxuu helay 44 cod, codadkii Baarlamaanka wuxuuna kasoo Jeedaa beesha Daarood, gaar ahaan Qoyska Harti. Gudoomiye kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Jubbaland waxaa ku Guulaystay mudane Cabdi Baaley Xuseen oo aanay cidi la Tartamin, wuxuuna kasoo Jeedaa Beesha Gaaljecel.

Qaramada midoobay, Midowga Yurub, beesha caalamka Urur Goboleedka IGAD, iyo dawladaha daneeya arimaha Soomaaliya ayaa si wada jir ah Hambalyo ugu diray Doorashada maalinkii shalay ahayd ladoortay Hogaamintii Baarlamaanka Dawlada Jubbaland, waxayna madaxda iyo Ergadii caalamiga ahayd ee Goobta Joogta shaaciyeen inay doorashadu u dhacday si xalaal ah.