GLOBAL NEWS

Baar­la­maanka Soomaaliya oo maal­in­tii labaad ka doo­daya mooshinka dhis­maha Baar­la­maanka Jubba


Mu­danayaasha Baar­la­maanka Soomaaliya oo sha­lay loo akhriyay mooshin ka dhan ah dhis­maha Baar­la­maanka Jubba ayaa maanta mar kale guda galaya dooda ku saab­san mooshinkaas.

Mooshinkan oo ay gud­biy­een Tiro Xild­hibaan ah ayaa waxay uga soo hor­jeedaan qaabka loo xu­lay ku­raasta Xild­hibaanada uu yee­lanayo Baar­la­maanka KMG ah ee Jubba.

Xild­hibaano dhowr ah oo sha­lay ka had­lay mooshinkan ayaa muu­jiyay inay jirto cadaalad daro iyo in beelo badan xaqooda la du­udsi­iyay.

Sidoo kale Xild­hibaanada ka had­layay mooshinkan ayaa qaarkood shee­gay in Baar­la­maanka uu xaq u leeya­hay inuu gacan u qaado Maa­mu­lada KMG ee ka mid ah dowladda Fed­er­aalka, wax­aana ay tilmaameen in hadii aan maanta la sixin inay ad­kaan doonto.

Gud­doomiyaha Baar­la­maanka Prof. Jawaari oo shir gud­doom­i­nayay ku­lankii sha­lay ayaa shee­gay in inta har­tay Xild­hibaanada ka doo­daya mooshinka maanta oo Ta­laado ah la dhamey­stiri doono.

Das­tu­urka ayaa qaba in Maa­mulkii bu­uxiya shu­ru­u­daha maa­mul gob­oleedyada ay isku raaci karaan oo ah labo gobol iyo wixii ka badan ay no­qon doonto in ugu dambeyn Maa­mulkaas uu soo maro Baar­la­maanka Fed­er­aalka Soomaaliya, si an­sixiyo.

Laakiin Maa­mu­lada KMG ayaa iska in­dha tiraya awoodaha uu leeya­hay Baar­la­maanka Fed­er­aalka, wax­aana qaarkood isu arkaan sidii dowlad oo kale.

Dhowaan ayay aheyd markii Gud­doomiyaha Baar­la­maanka uu shee­gay in aan dowlad gob­oleed loogu yeeri karin Maa­mu­lada KMG, maadaama aysan wali marin habkii shar­ciga ahaa.