GLOBAL NEWS

Baar­la­maanka Fed­er­aalka oo maanta cod u qaa­daya mooshinkii dhis­maha Baar­la­maanka Jub­ba­land


Xild­hibaanada Baar­la­maanka Fed­er­aalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay cod u qaadaan mooshinkii ka dhanka ahaa dhis­maha Baar­la­maanka Jubba oo muddo labo todobaad ka badan doo­d­i­isa ay taag­neyd.

Baar­la­maanka ayaa kul­maya todobaad kadib markii uu dib u dhac ku yimid cod­kii la doon­ayay in loo qaado mooshinkaas, kadib markii Xild­hibaanada ay soo gaba gabeey­een doo­dii mooshinkaas.

Hab dhowraha Baar­la­maanka Xild­hibaan Max­amed Cumar ayaa shee­gay in ajan­daha ku­lanka maanta uu ya­hay sidii cod loo gelin la­haa mooshinka laga keenay Waki­ilada Maa­mulka Jub­ba­land.

“Maanta oo Is­niin ah taari­ikhduna ay ku bee­gan­ta­hay 1-da bisha June, ajan­dayaasha waxaa ka mid ah u codeynta mooshinka Ju­booyinka, akhrinta koowaad ee shar­ciyeynta shaqaalaha shishe­eye iyo sax­aafadda” ayuu yiri Xild­hibaan Max­amed Cumar.

Inkas­too todobaad­kii hore Ra’i­isul Wasaaraha uu booqasho ku tagay Kismaayo, si uu maa­mulka Jubba ugala hadlo ar­rinta ku saab­san mooshinka laga keenay dhis­maha Baar­la­maanka Jubba ayaa ar­rin­tas waxaa laga soo saaray war mur­tiy­eed ku aadan in Guddi Xuku­umadda u saar­tay dadka ca­banaya inay la fari­is­taan, si loo xaliyo cabashooyinka.

Hase ahaa­tee Xild­hibaano ka tir­san Baar­la­maanka ayaa ku gacan seyray ar­rin­taas, iya­goo xusay in how­sha Xuku­umadda iyo tan Baar­la­maanka ay kala gaar tahay, isla markaana Baar­la­maanka uu shaqadi­isa qab­sanayo, maal­inta ugu soo horeysana cod loo qaadi doono.

Lama oga sida wax no­qon doon­aan, wax­aana isha lagu hayaa ku­lanka maanta dhici doono ee ajan­duhu ya­hay cod u qaadista mooshinka, iyadoo todobaad­kii horena uu u baaq­day cod u qaadis­taas, kadib markii uu bu­uxsami waayay tiradii loogu tala galay ee cod u qaadi la­heyn mooshinkaas oo ah sad­dex meelood labo meel.