GLOBAL NEWS

Axmed Madoobe oo ku Gu­u­leysa­tay Doorashadii Madaxn­imo ee Maa­mulka Jub­ba­land –


Madaxweyni­hii hore ee Maa­mulka Jub­ba­land, Sheekh Axmed Max­amed Is­laam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa ku gu­u­leystay doorashadii Madaxn­imo ee Maa­mulka Jub­ba­land oo maanta ka dhac­day xarunta Gob­olka Jub­bada Hoose.

Doorashada oo ahayd mid qar­soodi ah ayaa waxaa codeeyay 74-xild­hibaan, iyadoo Axmed Madoobe uu helay 68-cod oo ka mid ah co­dad­kii ay dhi­ib­teen xild­hibaan­nada Baar­la­manka Maa­mulka Jub­ba­land.

Wariyaha Jub­booyinka ee HOL ayaa soo shee­gay Murashaxi­inta xilkan kuu tar­ta­mayay oo ahaa afar Murashax ayaa waxay co­dadka u kala heleen sidan;

  1. Sheekh Axmed Madoobe oo helay 68-cod
    2. Hiloowle Aadan Max­a­m­uud oo helay 2-cod
    3. Cis­maan Xuseen Fayruus oo helay 2-cod
    4. Max­amed Cis­maan Yu­usuf oo aan wax cod ah he­lin.

Gud­diga doorashooyinka Maa­mulka Jub­ba­land ayaa shee­gay in laba cod ay xu­maadeen, sidoo kalena shaaciyay si rasmi ah ugu dhawaaqay in wa­reeg­gii koowaad ee doorashada uu ku gu­u­leystay Sheekh Axmed Madoobe, iyadoo murashaxi­in­tii la tar­ta­mayay ay iya­guna xusay in Nati­i­jada doorashada ay ku faraxsan yi­hiin, ayna taageer­san yi­hiin madaxwey­naha la door­tay.

Doorashada ayaa waxaa goob­joog ka ahaa Xubno ka soc­day Bee­sha Caalamka iyo IGAD, iyadoo sidoo kalena ay goob­joog ka ahaay­een xild­hibaanno ka socda Baar­la­maanka FS. iyadoo isla goobta lagu dhaariyay Madaxwey­naha la door­tay ee Jub­balan, Sheekh Axmed Madoobe.