GLOBAL NEWS

Aqoon-ya­hanada gob­olka Waqooyi Bari-Kenya oo qab­tay shir looga had­lay nabada (SAWIRRO)


Shir looga had­lay nabadda la­guna soo band­hi­gay amni-darida ka jirto qeybo fara badan oo kamid ah dalka Kenya, gaar ahaan gob­alka Soomaalidu ay dagto ee waqooyi Bari, ayaa waxaa lagu qab­tay ma­g­a­al­ada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen aqoon-ya­hano ka soo jeedo Gob­alka Waqooyi Bari Kenya, ayaa waxaa lagu soo band­hi­gay muhi­imada ay nabadu leeda­hay, iyadoo dhamaan dad­kii ka qeyb galayna ay ka hadleen sida ugu wanaagsan ee nabada looga shaqeyn karo.

Cab­dul­risaaq Caraale oo ah Gud­doomiyaha Hay’adda Aqoon ya­hanada Gob­olka Waqooyi Bari Kenya ee ma­g­a­ceeda loo soo gaabiyo NEPA, ayaa shee­gay in sababta shirka ay u qab­teen ay tahay; in ay u cadeeyaan dadka kale ee Kenyan ah in sha­cabka Soomaaliy­eed ay­nan ku lug la­heyn falalka amni darada ah ee ka dha­caayo wadanka Kenya.

“Dadka Soomaaliy­eed si wada­jir ah ayey dhibaatada Kenya ka jirto oga horta­gaan, wax­aad sidoo kale ogti­hiin in dhibaa­tooyin badan oo dad aanan waxba gal­ab­sanin oo sha­cab ah lagu laayay ay ka dhaceen Gob­alka Waqooyi Bari Kenya iyo meelo badan oo Kenya ka tir­san, wax­aana ka soo hor­jeed­naa dhibkaas dadka geysanaayo”, ayuu yiri Caraale oo ka dal­ba­day Siyaasiyi­inta, Ganac­sa­tada iyo Cu­luma’awdi­inkii shirkaas ka qeyb galay iney u is­taa­gaan wax ka qab­taan dhibaa­tooyinkaas.

Gud­doomiye Caraale oo Macalin ka ah mid kamid ah Jaa­macadaha ku yaallo Kenya, ayaa dhanka kale ka cod­sa­day dadka ku dhaqan gob­alka Waqooyi Bari, iney si bu­uxdo ula shaqeeyaan dowlada si wax looga qabto nabad galyo darida ka jirto dee­gaanadaas.

Dhanka kale Hay’ada shirkaan qa­batay ee ay ku mideysan yi­hiin Aqoon ya­hanada Gob­olka Waqooyi Bari, ayaa la aas-aasay kadib markii ay soo ba­teen falalka lagu wax yee­ley­naayo dadka aanan Soomaal­ida aheyn ee ku sugan Gob­alka Soomaalidu ay ka dagto wadanka Kenya, kuwaa­soo sababay in qowmiyadaha kale ay ka aam­i­naan dadka Soomaaliy­eed fikrado xag-jirn­imo ah.

Sidoo kale Hay’adda NEPA, ayaa sheeg­tay iney dhi­iri-galineyso is dhex­gal bul­shooyinka kala duwan ee ku wada dhaqan Kenya, si mee­sha ay oga baxdo fikradaha laga aamin­san ya­hay Soomaal­ida.

Kenya, ayaa waaya­haan dambe waxaa ku dha­cay weer­aro iyo qaraxyo is xig xi­gay oo badankoodu ka kala dha­cay Gob­al­ada Waqooyi Bari iyo Gob­alka Xeebta Kenya, wax­aana weer­aradaas oo ma­su­uliyadooda ay shee­gatay Al Shabaab inta badan lagu wax-yee­layay dad sha­cab ah oo aanan waxba gal­ab­sanin.