GLOBAL NEWS

Turkiga oo Muqdisho ka her­galiyay Dugsi lagu barto du­uli­maadka


Dugsiga maanta xariga laga jaray ayaa waxaa dhis­tay Hay’ada dowladda Turkiga u qaa­bil­san gar­gaarka iyo hor­mar­inta ee Tika wax­aana loo dhisay in lagu soo saaro Aqoonya­hano Soomaaliy­eed oo ka shaqeeya hay’ada Saadaasha iyo Du­ulista Hawada Soomaaliya.

Mu­naasabad kooban oo xariga looga jarayay Dugsiga ayaa waxaa goob joog ahaa Wasi­irka Wasaaradda Gaadi­idka iyo Du­ulista Hawada, Wasi­iru Dowlaha Wasaaradaas, Safi­irka dowladda Turkiga u qaa­bil­san Soomaaliya, Agaasimaha Hay’ada Soc­daalka iyo Ma­su­uliyiin kale.

Madaxa Hay’ada TIKA oo iyadu dhis­tay Isku­u­lada Qaalid Yil­mas iyo maa­reeyaha Hay’ada Saadaasha iyo Du­ulista Hawada Soomaaliya Yu­usuf Cabdi C/​lle ayaa labadu shee­gay in isku­ulku muhiim u ya­hay hor­marka hay’ada saadaasha hawada Soomaaliya.

Safi­irka dowladda Turkiga ee Soomaaliya mu­dane Ol­gan Baker ayaa shee­gay in dowladda Tukiga ay ka go,an­ta­hay hor­marka Soomaaliya isla markaana ay dowladda Soomaaliya kala shaqey­nayaan sidii So­ma­lia hor­mar bu­uxa u gaari la­hayd.

Wasi­irka Gaadi­idka iyo Du­ulista hawada Soomaaliya mu­dane Max­amed Cab­du­laahi Salaad ayaa uga ma­had celiyay dowladda Turkiga garab is­taageeda bul­shada Soomaaliy­eed.

Dhamaadka sanad­kaan ayaa qor­shuhu ya­hay in Soomaaliya ay dib ula soo wa­reegto maa­mulka Hawadeeda.