GLOBAL NEWS

Xukuumadda Somalia oo Go’aano kasoo Saartay Shirkadaha dhex-deggen Garoonka Muqdisho


Kulan ay golaha wasiirada Somalia maanta ku yeesheen Muqdisho ayaa looga Dal-baday Shirkadaha Dhex-daggan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho inay iska bixiyaan canshuuraha lagu leeyahay, taasoo kasoo billaaban doonta markii ay degeen goobaha ay hadda deggen yihiin.

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Somalia ayaa Kulanka ka jeediyay Warbixin ku aaddan shirkadaha ka howl-gala gudaha Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde ee Muqdisho, kuwaasoo qaarkood sameystay deegaanno u gaar ah, halka kuwa kalena ay degeen goobo ay leeyhiin Wasaaradaha xukuumadda Qaarkood, iyadoo xubnaha golaha wasiirrada ay dood-dheer kaddib isku raaceen qodobbada soo socda.

  1. Si loo waafajiyo nidaamka hay’adda caalamiga ah ee duulimaadka rayidka ICAO waa in laga fujiyo siligga ku wareegsan meesha diyaaraduhu kusoo dagaan ama ka duulaan.
  2. Goluhu wuxuu farayaa Wasaaradaha ku shaqada leh arrintan in shirkadaha dhex-deggen xayn-daabka Garoonka laga qaado kirada dhulka ay ku shaqeystaan; waxaana laga soo bil-laabayo waqtiga ay degeen.
  3. Goluhu Wuxuu farayaa Wasaardaha Howshoodu tahay dib u eegista Amniga Garoonka diyaaradaha iyo agagaarkiisa, Wuxuuna si gaar ah u farayaa in deg-deg wax looga qabto wixii amni-xumo keeni kara.
  4. Goluhu Wuxuu Farayaa Wasaardaha Maaliyadda, Ganacsiga iyo Warshadaha inay wixii khidmad canshuur ah oo ku waajibtay Shirkadahaas intii ay Degenaayeen Garoonka si deg-deg ah looga soo xareeyo.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ee Manta ayaa waxay uga hadleen Arrinta Baarlaamaanka Jubba, Qaxootiga Yemen, mideynta Qorshaha Qaranka. Iyadoo Wasiirrada ay ka doodeen baarlamaanka cusub ee Jubbaland, iyagoo tix-galinaya cabashooyinka ay muujinayaan qaar ka mid ah dadka deegaanka, waxaana goluhu go’aamiyay qodobbadan:

  1. Goluhu Wuxuu isku raacay in loo saaro Guddi dib u eegis ku sameeya Cabashooyinka kasoo yeeraya baarlamaanka cusub ee maamulka Jubba, Gudigaas oo daraasad ku samayn doonaa waxay dadku tabanayaan, kaddibna wuxuu kusoo celinayaa golaha Wasiirrada.
  2. Gudiggan wuxuu la Fariisan doono Cid walba oo ay Khusayso arrintaan, Wuxuuna soo gudbin doonaa Talooyin ku Aaddan sida ugu Habboon ee xal midaysan Cabashooyinkaas looga gaari karo.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa ka hadlay dhibaatooyinka Qaxootiga Soomaaliyeed ku haysta Yemen, waxayna go’aamiyey in xubin kasta oo golaha ka mid ah uu ku tabaruco lacag gaaraysa 1,000 doollar, taasoo lagu maamuli doona gudigii ku howlan gurmadka loo fidinayo Qoxootiyada kasoo cararaya Yeman, Waxaana Dhaqaale Ururinta loo Xil-saaray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya,Maxamed Cumar Carte.

Ugu dambeyn, Golaha ayaa Warbixin ka dhageystay Wasiir ku xigeenka Qorshaynta oo ay Wasaaraddiisu Waddo Barnaamijka Mideynta Qorshaha Qaranka, Waxaana Qorshahaas ka mid ah in (New Deal) uu noqdo qorshe Qaran oo ay dowladdu hoggaaminayso, iyadoo laga duulayo baahida shacabka, wasaaraduhuna waxay soo gudbinayaan baahihooda si ay ula jaan-qaadaan, Waxaana qorshan qayb ka noqon doono bulshada rayidka ah, dhalinyarada iyo maamulada ka jira dalka.