GLOBAL NEWS

Xoogagga Al-shabaab oo Weerar ku qaadday Degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellada


Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa shalay gellinkii dambe weerar saacado badan qaatay ku qaaday degmada Qoryooley oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iska-horimaadkaas oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo kala duwan.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Qoryooley, Cabdi Axmed Cali oo maanta la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dhankooda uu dagaalka kaga dhaawacy askari, Al-shabaabna ay ka dileen laba ruux.

“Al-shabaab waxay shalay soo weerartay gellinkii dambe ee shalay, waxayna gudaha u soo galeen degmada, dagaal ayaana billowday, dagaalkuna wuxuuna socday illaa laga gaaray marqribkii, khasaare ayaana ka dhashay,” ayuu yiri Cabdi Axmed.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka ayaa xusay in warbixinta weerarka ay heleen aanu dagaalku billaaban, ayna isku diyaariyeen, isagoo beeniyay warar sheegaya in Al-shabaab ay muddo kooban la wareegeen gacan ku haynta degmada.

“Degmada innaga ayaan gacanta ku hayna, Al-shabaabna waan erinnay, laba qof oo shacab ah inay dhaawacmeen ayaanan maqlay,” ayuu yiri Cabdi Axmed Cali oo intaas ku daray in xaaladda degmadu ay deggen tahay.

Dhanka kale, afhayeenka Gobolka Shabeellada Hoose, Maxamed Shiino ayaa sheegay in ciidamada dowladda dagaalkaas looga dilay Shan ruux, halka 10-qof oo kalena laga dilay Al-shabaab.

Degmada Qoryooley ayaa waxaa saldhig ku leh ciidanka dowlada iyo AMISOM, waxaana horay uga dhacay dagaallo u dhexeeya dhinacyadan, iyadoo horraantii sannadkii 2014-kii laga qabsaday Al-shbaaab oo saldhig weyn ku lahaa.