GLOBAL NEWS

Xoogagga Alshabaab aya la wereegay gacankuheynta degmooyinka Badhaadhe iyo Ceelcadde.


Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, kaddib markii ay Saakay isaga baxeen ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM iyo kuwa Maamulka Jubbaland.

Shacabka ku nool degmada ayaa isugu soo baxay fagaare ku yaalla bartamaha degmadaas, iyadoo ay Hadallo u jeediyeen Xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo Dadka ka dalbaday inay la shaqeeyaan.

Faarax Haybe Macallin oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka maamulka Jubbaland oo ku sugnaa Badhaadhe ayaa u sheegay VOA-da in Ciidamadooda iyo kuwa Dalka Kenya ee Qaybta ka ahaa AMISOM ay amar la siiyay uga baxeen degmadaas.

Sidoo kale, shacabka ku nool degmada Badhaadhe ayaa warbaahinta qaarkeed u xaqiijiyay inay degmada soo galeen xoogag ka tirsan Al-shabaab, kaddib markii ay ciidamadii Kenya ee AMISOM iyo kuwii maamulka Jubbaland ay isaga baxeen degmadaas saakay Aroortii.

Al-shabaab ayaa Warbixino ay dhigeen Baraha Internet-ka ee Taageera waxay ku sheegeen inay si buuxda ula Wareegeen Gacan ku haynta Magaalada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose, kaddib markii ay isaga baxeen ciidamadii Kenya iyo kuwii Jubbaland.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa xustay inay sidoo kale maanta la wareegeen gacan ku haynta Deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo oo ay Ciidamadii ka socday Kenya iyaguna xalay saqdii dhexe isaga baxeen.

Ugu dambeyn, degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose oo qiyaastii 180-km u jirta Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaa ku lahaa saldhig saddexdii sano ee la soo dhaafay ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM.