GLOBAL NEWS

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo Maanta Booqasho ku Tagay Baydhabo


Wafdi ka socda Baarlamaanka dalka Kenya, ayaa maanta Booqasho ku tagay Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Bay, Waxaana Hor-kacayay Wafdigan Hoggaaminayay Guddoomiye ku xigeenka guddiga Difaaca Baarlamaanka dalka Kenya, Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil.

Xildhibaannadan ayaa markii ay Baydhabo tageen, waxay booqdeen goobo kala oo ka mid ah degmada, iyagoo kaddibna la kulmay Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur-galbeed oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Maamulkaas, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

“Wafdiga ila socda, Waxaa ka mid ah Xildhibaan Cali Diido Raaso iyo mudane kale oo ka mid ah guddiga difaaca Baarlamaanka Dalka Kenya, Waxaana halkan u nimid sidii aan ula Kulmi lahayn, Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur-galbeed,” ayuu yiri Mudane Ilyaas Barre Shiil oo la hadlay VOA-da.

Sidoo kale Xildhibaan Ilyaas Barre ayaa sheegay in meelo kala duwan ay booqdeen intii ay ku sugnaayeen Baydhabo, uuna aad u jecelaystay amaanka ka jira Baydhabo oo uu sheegay inuu dhegaha ka maqli-jiray, balse aanu maanta imaan.

“Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur-galbeed oo sida Madaxweynaha Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaanu kala hadalnay sidii iskaashiga loo xoojin lahaa, sidii la dagaallada dhanka ka ah Al-shabaab iyo Xulufadooda loo Xoojin lahaa iyo Sidii Dhallinyarada Soomaaliyeed shaqo loogu abuuri lahaa,” ayuu hadalkiisa ku daray mudane Ilyaas Barre Shiil.

Xildihbaan Ilyaas Barre Shiil oo sii hadlayay ayaa sheegay in booqashadooda Baydhabo ay ahayd salaan, isla markaana qodobada kale ee ay mas’uuliyiinta maamulka kala hadleen ay ka mid ahayd, haddii Qoxootiga ku jira Dhadhaab ee markii hore Baydhabbo ka Barakacay ay kusoo laaban karaan iyo in sidii ammaanka loo xoojin lahaa.

Waxaa xildhibaanka la weydiiyay su’aal ahayd; Maxaa keenay in Dowladda Kenya ay ku dhawaaqdo inay xirayso Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee Kenya, wuxuuna ku jawaabay.

“Sida la og-yahay dalka Kenya dhawr iyo labaatan Sano ayay Qoxootiga haysay, Waxaana caalamku uu ku mashquulay hadda Qoxootiga ka cararaya dalal ay Suuriya ka mid tahay… sidaas awgeedna ay iska illoobeen Qoxootiga Soomaalida iyo kuwa South Sudan ka yimid, cunada la siiyana ay aad u yar tahay, waxayna Kenya go’aansatay inay caalamka u muujiso in mas’uuliyada qoxootiga aysan iyada oo keliya saarnayn, balse ay tahay mid caalamka oo dhan u taalla. Taas ayaana keentay in Kenya ay Shaaciso in ay Xeryaha Qoxootiga xirayso, Waayo haddii aadan dhaq-dhaqaaqin waa lagaa jeesanayaa ama waaba lagu illaawayaa.”

Su’aal kale oo xildhibaan Ilyaas Barre la weydiiyay ayaa ahayd; Ma tahay xilligan lagu jiro munaasab in qoxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab lagu soo celiyo deegaanadoodii wuxuuna ku jawaabay. “Munaasab ma ahan, balse waxaa la dhahaa kuleylka Qorraxda ayaa keentay, sidaas awgeed innagu qoxootiga muddo badan ayaan haynay qoxootigaan wax muran ahna kama taagnayn waanan jecel-nahay, balse haddii Kenya oo keliya caalamiga ku Halmaamo mas’uuliyadda ka saran Qoxootiga, taasi waxay keentaysaa in la qaato go’aan… Waxaanan u daneynaynaa Qoxootiga, Waayo haddii aan Xuquuqda loo raadin, Waxaa imaanaysa in la hilmaamo.”

Ugu dambeyna, Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil ayaa xusay inuu horay Muqdisho u booqday, tanna ay tahay middii labaad oo uu ku yimaado deegaannada Somalia, wuxuuna ku baaqay in Caalamku uu Soomaaliya u arko in aysan ahayn meel dhibaatadu kasoo baxdo, balse ay tahay waddan burburay oo u baahan in la garab-istaago oo la caawiyo.