GLOBAL NEWS

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug


Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Puntland ayay kooxo hubeysani ku toogteen xalay Waqooyiga magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Mudanahan ka tirsanaa baarlamaanka Puntland ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay, Saciid Xuseen Nuur, waxaana kooxaha hubeysani mar uu ka soo baxay masjid uu salaad kusoo tukaday.

Kooxaha hubeysan ayaa la sheegay inay dilka xildhibaanka u adeegsadeen bam-gacmeedyo iyo rasaas ay ku fureen, iyadoo uu la dhinay mid ka mid ah ilaaladiisii gaarka ahaa.

Ciidamada Puntland oo goobta gaaray ayaa weli ku guuleysan inay kooxihii dilka xildhibaanka geystya soo qabtaan, iyadoo tan iyo xalay ay howlgallo ka socdeen xaafadda dilka loo geystay xildhibaanka.

Xildhibaanka la dilay ayaa laga soo doortaa deegaanka Burtinle ee gobolka Nugaal, isagoo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Gaalkacyo oo la sheegay inuu howlo shaqo u joogay.

Ugu dambeyn, xildhibaan Siciid Xuseen ayaa noqonaya xildhibaankii labaad oo laga dilo baarlamaanka Puntland sannadkan 2015-ka, iyadoo bishii lasoo dhaafay Muqdisho lagu dilay xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen oo ka mid ahaa xubnaha baarlamaanka Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto illaa hadda cid sheegatay dilkan, balse inta badan falalka noocan oo kale ee ka dhaca Puntland ayaa waxaa sheegata Al-shabaab.