GLOBAL NEWS

Wufuud DF Somalia iyo EU isugu jira oo Gaaray Kismaayo iyo Iskuul la Dhagax-dhigay


Wufuud ka kala Socday Midowga Yurub iyo Dowladda Somalia ayaa maanta gaaray Kismaayo, iyadoo ujeeddada Socdaalka Wafuudaan ay ahayd in Mas’uuliyiinta Jubbaland ay kala Hadlaan Mashruuc lagu Horumarinayo Waxbarashada Somalia oo ay iska-kaashanayaan Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub kaasoo lagu baahinayo inta badan Gobollada Dalka.

Wafdigan ka socday Midowga Yurub ayaa waxaa Hoggaaminayay Michael Cervone oo ah Wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale qeyb ka ahaa xubno kale oo ka socday dalalka Midowga Yurub, ayadoo sidoo kale ay wafdiga qeyb ka ahaan wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalia, C/raxmaan Yuusuf Caynte, Wasiirka Waxbarashada, Khadro Bashiir Cali iyo Mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale, Wufuuddaan ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka 2-aad ee Jubaland, C/qaadir Xaaji Maxamuud Luga-dheere iyo xubno ka tirsan labada gole ee maamulka Jubaland.

Wafdiga ayaa imaatinkooda kadib la geeyay guriga martiga oo ku yaal nawaaxiga dekedda Kismaayo, halkaasoo ay kula kulmeen madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam, ayagoo halkaasi ku yeeshay kulan kooban, waxaana intaa kadib ay masuuliyiintani si Wadajir ah u aadeen Dhul-bannaan oo ku yaalla Xaafadda Farjanno, gaar ahaan Waaxda Siinaay, kaasoo loo asteeyay in laga dhiso Iskuul hab casri ah loo dhisi doono, kaasoo qayb ka ah Qorshaha Midowga Yurub iyo Dowladda Soomaaliya ay iska-kaashanayaan ee lagu Horumarinayo Waxbarashada dalka.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa dhagax-dhigay Iskuulka, wuxuuna intaa kaddib ay Mas’uuliyiintu si wadarji ah u gaareen hoolka weyn ee Daawad ee Kismaayo oo ay ka socotay munaasabad lagu soo dhaweeynayo Mashruucaan.

Wasiirka Qorsheynta iyo Is-kaashiga Caalamiga ah ee Somalia, C/raxmaan Yuusuf Caynte ayaa sheegay in mashruucani yahay mid lagu Horumarinayo Waxbarashada Dalka, iyadoo la tayeynayo iskuulaadkii hore u jiray, halka iskuulaad cusubna la dhisi doono.

Goobta ayaa lagu soo Bandhigay Nashqad Qurux badan oo loo dhisi doono Iskuulka cusub, iyadoo ay ka hadleen xafladda Wasiiradda Waxbarashada Soomaaliya, Khadro Bashiir Cali iyo Wasiirka Waxbarashada Maamulka Jubbaland, Maxamed Ibraahim Maxamuud, iyagoo si isku mid ah u soo dhaweeyay Mashruucan lagu Horumarinayo Waxbarashada Dalka.

Ugu dambeyn, waxaa goobta ka hadlay madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam, isagoo uga Mahad-celiyay Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub Dadaallada lagu horumarinayo Waxbarashada ee Jubaland qeybta ka tahay, wuxuuna ugu baaqay guud ahaan umadda Soomaaliyeed in ay ka faa’ideystaan mashruucan.