GLOBAL NEWS

Wasaarada Caafimaadka XF oo Digniin u dirtay Dadka Daawooyinka dhacay soo geliya Wadanka


Jiritaan la’aanta hay’addo awood u leh hubinta Tayada iyo taariikh-jiritaanka daawooyinka ganacsi ahaanta loo keeno wadanka ayaa sabab u ah in dad badan ay si ugeesi la’aan ah ay wadanka u soo galiyaan daawooyin taariikh dhacsan.

Saameyno taban ama aanan wanaagsaneyn ayaa laga dhaxlaa daawooyinka ay tayadooda hooseyso ama ay taariikhdooda dhacsantahay, waxaa suurta gal ah in uu qofka ka qaado xanuun hore leh dhowr isku dayo oo la sameeyay ma aysan suurta galin in lagu guuleyso hubinta daawooyinka lagu iibiyo goobaha ganacsiga tayo iyo taariikh ,basle ganacsatada oo ah dadka ugu horeeyo ee leh kaalinta qaadashadda bad-qabka caafimaad ee dadka ayaa ah in ay ka fikiraan waxyaaba ay bulshadooda ka iibinayaan.

Wasaarada Caafimaadka ee xukuumadda soomaaliya ayaa sheegtay in ay wado qorshe wax looga qabanayo daawooyinka dhacay ee dalka lasoo galiyo iyo kuwa ay tayadooda hooseyso.

Wasiir ku xigeenka wasaarradda Caafimaadka Cismaan Cabdi Daallo ayaa sheegay in ay la xisaabtan joogta ah ay la sameynayaan dadka daawooyinka soo degsado .

“Wasaarada caafimaadka waxa ay u diyaar garowday in daawooyinka tayadooda la hubiyo lana Hawl-galiyo Sheybaarkii guud, waan la xisaabtami doonnaa kuwa dalka soo geliya daawooyinka dhacay.”

Ugu dambeyntii, Waqti hore ayay aheyd in wasaaradda caafimaadka ay keento qorshe lagu hubiyo daawooyinka tayadooda iyo taariikhda la isticmaali karo waa muhiim in muwaadiniinteenu ay helaan daawooyin caafimaadkooda aanan waxba u dhimi karin.