GLOBAL NEWS

War deg deg ah


Waraar DEG DEG :Doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka Jubbaland oo soo gaba gabowday iyo Sh. Cabdi maxamed Cabdiraxmaan oo ku Guulaystay

Waxaa goordhaw soo gaba gabowday Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Taas oo ka Qabsoontay Xarunta Caymiska Ee Magaalada Kismaayo. Doorashada oo Ay soo Xaadireen 72 Xildhibaan Ayaa waxaa goob jog ka ahaa Madaxweynaha Dawlada Jubbaland Mudane: Axmed maxamed islaam Axmed madoobe.

Xildhibaanada Codeeyay oo Tiradoodu ay ahayd 72 Xildhibaan Ayaa waxaa Khaldamay Sadex cod waxaana xildhibaanada xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka u Tartamayay ay Ahaayen Afar xildhibaan Sadex kamid ah Ayaa Tanaasulay Waxaana Doorashada isagu soo Hadhay Labo xildhibaan iyadoo Codad gaadhaya 45 Ay guushu ku Raacday Xildhibaan Sh. Cabdi maxamed Cabdiraxmaan .

Gudoomiyaha Baarlamaanka Ee Dawlada Jubbaland Mudane: Sh. Cabdi maxamed Cabdiraxmaan oo Goobta hadal kooban ka Jeediyay ayaa sheegay in uu Maanta Qaaday masuuliyad culus oo in laga soo Dhalaalo u baahan waxaana uu Muujiyay Bisaylka siyaasadeed Ee Jubbaland ka jira oo uu sheegay in wax lagu Farxo ay tahay waxaa uu Balan Qaaday In Ay la shaqayn doonan Xukuumada isla markana ay ka Dhawrsanaan Doonan wax walba oo kala Tafaraaruq iyo is Qab Qabsi keeni kara .

Madaxweynaha Dawlada Jubbaland oo Marka ay soo Dhamaatay Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka goobta Qudbad ka Jeediyay ayaa Amaanay sida Dimuqraadiyada ah Ee ay Xildhibaanada Baarlamaanka Dawlada Jubbaland ay u Doorteen Gudoomiyaha Baarlamaanka cusub Ee Jubbaland waxaana uu Gudoomiyaha ku Dhiiri galiyay in uu kasoo Dhalaalo Masuuliyada Culus Ee uu Qaaday Madaxweynaha ayaa sidoo kale Dhamaan Xildhibaanada kula Dardaarmay in ay la shaqeeyan Gudoomiyaha Baarlamanka isla markana ay Jubbaland ku hagaan Dhabaha Sacda ah .

Waxaa Dhanka kale imika socota Doorashada labada Ku xigeen Ee Gudoomiyaha Baarlamanka Jubbaland Taas oo iyadana Daqiiqado kadib soo gaba gaboobi doonta Inshaa allah wixii kusoo kordhana Wararkeena Danbe ayaad ku Maqli doontan.