GLOBAL NEWS

Taliyihii Sirdoonka Soomaaliya ee NISA oo Xilkii laga Qaaday iyo Taliye KMG ah oo la Magacaabay


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyey taliyihii hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka (NISA), Jen. C/raxmaan Maxamed Tuur-yare.

Xasan Sheekh, ayaa xilka qaadista taliyaha u cuskadey qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee dastuurka KMG-ka ah ee Soomaaliya, iyo isagoo tixgelinaya baahi la xiriirtey in is-beddelada lagu sameeyo Hoggaanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.

Sidoo kale, Isla xeerkaan ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa si KMG ah xilka Taliyaha Hay’ada Nabad-sugidda qaranka (NISA), loogu Magacaabay Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud.

Dhanka kale, Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka DF, Jen C/raxmaan Tuur-yare, ayaa waxaa loo magacaabay la-taliyaha Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Xeerkan kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa dhaqan-galayaa maanta oo taariikhdu ay tahay 14-ka bisha Juun ee Sannadkan 2016-ka.