GLOBAL NEWS

Sirdoonka Jubbaland oo beeniyay inay sii daayeen Xoogag ka tirsan Daacish oo isku soo dhiibay


Waaxda nabadsugidda Jubaland ayaa beenisay warar maalmihii u danbeeyay ay baahinayeen qaar kamid ah shabakadaha Soomaalida, kuwaa oo ahaa in dowlad goboleedka Jubaland ay sii deeysay rag ka tirsan Daacish oo kasoo cararay Shabaab islamarkaana isu soo dhiibay.

Baraha bulshada ayaa sidoo kale lagu baahiyay in uu khilaaf soo kala dhexgalay dowladda Mareeykanka iyo Jubaland, islamarkaana ay jiraan ciidamo gaaraya 200 oo ka tirsan nabadsugidda Jubaland oo Kismaayo lagu xirxiray.

Afhayeenka nabadsugidda Jubaland Axmed Max’uud Max’ed (Axmed Carab) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin wax kama jiraan.

“Waxyaalaha ay qorayaan websiteyada oo ah in ciidanka Jubaland, gaar ahaan waaxda nabadsugidda iyo sirdoonka ay ciidan daacish ka tirsan qabteen, kadibna sii daayeen waa war aan sal iyo raad toona lahayn,” ayuu afhayeenka hadalkiisii raaciyay.

“Shabaab iyo Daacsih isku xukun ayay noo saaranyihiin oo dagaal baa naga dhexeeya, ciidan Jubaland leedahay oo la afduubay ma jiraan, dowladaha deriska iyo kuwa caalamkana xiriir wanaagsan ayaa naga dhexeeya,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Ugu danbeyn, afhayeenka ayaa sheegay in wararkani yihiin kuwo dano siyaasadeed oo gaar ah laga leeyahay, wuxuuna xusay in nabadsugidda Jubaland ay had iyo jeer u taagantahay la dagaalanka Al-shabaab iyo kooxaha kale ee dowladda kasoo horjeeda.