GLOBAL NEWS

SHEEKH AXMED MADOOBE: Kenya sababta ay Somalia u soo gashay ma ahan inay dhul qaadato


Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay qorshaha dalka Kenya ay ku doonayso inay kaga dhisto darbiga xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, isagoo sheegay in ciidamada Kenya aysan u soo gelin Somalia inay dhul Soomaaliyeed qaataan.

Axmed Madoobe oo ku sugan Nairobi ayaa sheegay in Kenya ay mudan tahay in looga mahad-celiyo howlgalladii ay ciidamadeedu ka sameeyeen Soomaaliya iyo marti-gelinta qoxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool, balse aysan ahayn in la eedeeyo.

“Kenya waxay mudan tahay inaan dhahno waa mahadsan tihiin, kumanaan qof oo qoxooti Soomaaliyeed ah ayaa ku sugan xeryaha Dhadhaab, Nairobina way joogaan, ma ahan in hal mar colaad la abuuro Kenya iyo Somalia, taasi waxay noqonaysaa jisaarnimo, wixii dhul ku saabsan si degen ayaa looga hadlayaa, Keenyana waa lagala hadlayaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale, madaxweynaha Jubbaland ayaa xusay in loo baahan yahay in guddi xaqiiqo-raadin ah arrintan loo diro, si loo xaqiijiyo. Wuxuuna xusay inaanay sax ahayn in la lumiyo masaalixda Soomaaliya.

“Waxaa doonayaa in muranka jirta in guddi aan innagu ka mid nahay loo saaro; xudduuda meelna kama qaloocsami karo, waa la yaqaan, mana ogolin hal taako, mana jirto cid aan kula shirkoobayno, aniga iyo Kenya kuma heshiin inay 1-mitir oo dhulka Somalia ka mid ah ay qaadato, fikirka ay u soo galeenna ma ahayn in ay dhul qaataan, balse waxay ahayd amnigooda oo khatar galay oo keliya,” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn, madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa hoosta ka xariiqay in ammaanka Somalia uu Kenya amnigeeda ku jiro, isla markaana aanay jirin wax taas ka duwan oo ay Kenya u joogto Somalia.

Si kastaba ha haaatee, hadalka Sheekh Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaya xilli aad loo hadal-hayo darbiga ay Kenya ka dhisayso xadka ay Somalia iyo Kenya wadaagaan, iyadoo isla maanta uu baarlamaanku ka doodayo arrinta darbiga.