GLOBAL NEWS

R/Wasaaraha soomaaliya oo Si Weyn loogu soo Dhaweeyay Magaalada Kismaayo


Waxaa manta Magaalada Kismaayo soo gaashay Wafdi Balaadhan oo uu Hogaaminayo R/Wasaaraha

Waxaa garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Kismaayo Wafdigan ku soo Dhaweeyay Madaxweynaha Dawlada Jubbaland Seyid: Axmed maxamed islaam ku xigeenkiisa Koobad Cabdullahi Sh.ismaacil Fartaag Xubno ka Tirsan Labada gole Ee Dawlada Jubbaland iyo Qaybaha kala Duwan Ee Bulshada.

Soo Dhawayn kadib waxaa Wafdiga R/Wasaaraha loo galbiyay Qasriga Madaxtooyada Dawlada Jubbaland Halkaas oo si Wada jir ah ay Saxaafada ugula hadleen Madaxweynaha Dawlada Jubbaland Axmed maxamed islaam iyo R/Wasaare Cumar cabdirashiid cali sharmaarke.

Madaxweynaha Dawlada Jubbaland oo hadalka ku Hormaray ayaa sheegay in Ay Aad ugu Faraxsan yihiin in R/Wasaarahii soo Dhisay Jubbaland in uu Maanta yimaado Magaalada Kismaayo waxaana uu Madaxweynahu sheegay in wixii jira wada hadal laga gali doono.

R/Wasaaraha ayaa Dhankiisa u Mahad Celiyay Dawlada iyo shacabka Reer Jubbaland isaga oo muujiyay sida uu ugu Faraxsan yahay imaanshahiisa magaalada Kismaayo.