GLOBAL NEWS

Roobab ay dadka iyo duunyada ku diirsadeen oo ka da’ay deegaano ka Tirsan Jubbada Hoose


Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa siweyn uga da’ay qeybo badan oo ka tirsan gobolka J/hoose iyadoo roobabkani ay sababeen in ay istaagaan isu socodkii gaadiidka ee gobolka J/hoose.

Roobabkan ayaa waxa ay siweyn uga da’een gobolka J/hoose, gaar ahaan deegaanada Hoostaga degmooyinka, Kismaayo, Afmadow, Badhaadhe, Dhoobleey iyo inta badan deegaanada gobolka J/hoose, waxaana roobabkani siweyn uga diirsaday dadka iyo duunyada goobaha ay ka curteen.

Max’ed C/laahi oo kamid ah shaqaalaha boosteejada gadiidka aada Dhoobleey ee magaalada Kismaayo oo HOL u waramay ayaa sheegay in ay istaageen dhaqdhaqaaqyadii gadiidka isaga kala gooshi jiray degmooyinka gobolka J/hoose.

“Boosteejada wax gaadiid ah oo ka baxa ma jiraan, roobab xooggan ayaa da’ay oo xiray wadooyinka isku xira degmooyinka gobolka,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Gudoomiyaha deegaanka Dhoobleey Siyaad Xasan Uleex oo qadka teleefonka ugu waramay shabakadda HOL ayaa sheegay in roobab aad u xooggan ay ka da’een deegaanka Dhoobleey iyo deegaanada ku xeeran.

“Mash’allah Nimco Alle ayaa ku da’day Dhoobleey iyo deegaanada ku xeeran, dadka iyo duunyadana way ku diirsadeen, waxayna roobabkani kusoo beegmeen xilli baahi loo qabay,” ayuu gudoomiyaha hadalkiisii raaciyay.

Roobabkan ka curtay gobolka J/hoose ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu gudo jiro xilliga Gu’ga, waxaana roobab kuwan lamid ah ay ka da’een gobollo badan oo ka tirsan dalkeenna Soomaaliya.